HomeWasiir Xirsi Oo Sheegay In Socdaalka Madaxweynuhu Yahay Fariin

Wasiir Xirsi Oo Sheegay In Socdaalka Madaxweynuhu Yahay Fariin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera(SLPOST):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii ugu horreysay maanta faahfaahin ka bixiye ujeeddada Safarka Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisu ku marayaan gobollada dalka, isla markaana waxa uu ka warramay waxyaabaha iyo goobaha aadka u soo jiitay intii ay Madaxweynaha iyo Weftigiisu safarrada ku marayeen gobollada Gabiley, Awdal, Selel iyo Saaxil.

1962834_1538097849749275_500715564_n

Wasiir Xirsi oo bartiisa uu ku leeyey Shabakadda Facebook maanta ku baahiyey qoraal uu kaga hadlayo arrimahaas, ayaa sheegay in Safarka Madaxweynaha ujeeddadiisu tahay mid wax qabad iyo weliba wax ka ogaanshaha xaaladaha dalka iyo dadka ku dhaqan gobollada Weftiga oo uu isaguna xubin ka yahay maray. Waxaanu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland qoraalkiisa ku bilaabay sidan:-

“Safarkii Gobolada Galbeedka Somaliland, Wuxuu Fariin iyo Cashar nool ka Bixinaya Xaalada Horumar, Amaan iyo Wax wada qabsi ee  ka jirta Dalkeena Somaliland. Muddo laga joogo maalmo koobaan illaa hadda waxaan ku jirnaa safar socdaal shaqo  ah oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waa safar isugu jira furitaanka Mashaariic horumarineed, dhagax-dhigga kuwo cusub, kormeerka iyo u kuur-gelidda xaaladda shacabka ku dhaqan dalkeenna Somaliland.

Waxaa xaqiiq ah in himilada siyaasadeed ee Xukuumadda maanta talada dalka haysa ay salka ku hayso hiigsiga horumar baaxad leh oo qarankeenu ku tallaabsado, si taas loo xaqiijiyana waxaa lagama maarmaan ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

Waxaa hubaal ah in heer iyo horumar lagu gaadhi karo oo keliya marka la mideeyo awoodda qofka, qoyska iyo Qaranka, isla markaana la soo nooleeyo dareenka ku dhisan iskaa wax -u- qabso. Waxaa wax lagu farxo ah in maanta bulshooyinka ku dhaqan deegaannada kala duwan ee dalku dhammaan diyaar u yihiin in ay gacmaha is qabsaadaan, isla markaana ay ka go’an tahay in ay horumariyaan deegaanka ay ku dhaqan yihiin iyo guud ahaanba dalka ay ku noolyihiin

Waxaan ku faraxsanahay in markii u horraysay jidka isku xidha Borama – Dilla uu dhammaystirmay, isla markaana si fudud lagu soo gaadhi karo Caasimadda dalka ee Hargeysa. Wuxuu ahaa jid dhib badan ku hayey dadka iyo gaadiidka dhammaan shacabka Somaliland oo jid kasta waxaa manaafacsada dadka oo dhan, waa guul iyo gallad u soo hooyatay dadkeenna iyo dalkeenna

Waxaan ogsoonahay in aan leenahay xeeb dheer oo leh khayraad dihin una baahan in aan ka faaidaysano, si taas loo dhiirigeliyana, Waxaan soo marnay guud ahaan xeebaha galbeed ee dalkeena oo ay kamid yihiin Zaylac, Lughaya iyo Berbera oo aan hadda ku suganahay.

Waxaan dareen farxad leh ku soo dhawaynayaa bulshada u heellan in ay hirgeliyaan Dekedda Kalluumaysi ee Lughaya, Xukuumadduna waxay mar walba u taagan tahay caawinta cid kasta oo cudud iyo caqli horumarineed dalka ku soo kordhinaysa. Waxaan ku indho qabowsaday aragtida Jaziiradda Sacaada-diin oo ku taal badhtamaha Xeebta Saylac, waa goob ka mida kuna wanaagsan in laga dheehdo quruxda dabiiciga ah ee Allaah dalkeenna ku mannaystay.

Guud ahaan intii aan ku gudo-jirnay Safarkan shaqo, waxaad si dhab ah u dareemaysaa in dalkeenna Somaliland isaga oo aan beesha caalamka ka helin deeq iyo dayn midna uu leeyahay dal nabdoon, dawladnimo dhammaystiran iyo dad dareen waddaniyad badan leh. Wa Bilaahi Tawfiiq.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo qoraalkiisani noqonayo kii uu horreeyey ee uu kaga hadlo Safarka Madaxweyne Siilaanyo toddobaadkii hore bilaabay.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories