HomeWasiir Xirsi Oo Qodobeeyay Mashaariic Uu Madaxweyne Siilaanyo Xadhiga Ka Jaray

Wasiir Xirsi Oo Qodobeeyay Mashaariic Uu Madaxweyne Siilaanyo Xadhiga Ka Jaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay mashaariic kala duwan oo uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray inta uu ku guda jiray safarkiisa gobollada bariga Somaliland.

Wasiir oo qoraal uu soo dhigay barta Facebook-ga uu ku leeyahay ayuu ku qodobeeyay noocyada mashaariicda uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray, waxaanu u qornaa sidan:-

“Wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamud “Siilanyo” isla markaana aan ku wehelinayno tiro kamida golihiisa wasiirada ayaa maanta safar shaqo oo kormeer iyo xadhig ka jarida mashaariic horumarineed oo Waddooyinku uugu muhiimsan yihiin ah uugu baxay bariga dalka

Hadaba, dib u dhiska iyo dayactirka laga wado waddada isku xidha Hargeysa-Berbera-Burco-Sheekh ayaa u kala qabsoontay sidan hoos ku xusan:

Xamaas – Berbera = 36km xidhiidh ah oo dhamaaday
Berbera – Sheekh = 20 Km “Intii kalena gacanta lagu hayo”

Isku gayn waxa ilaa hadda qabsoomay 56Km oo kamida 70km oo horay looga dhagax dhigay Sanduuqa Horumarinta Somaliland qaybtiisa Waddooyinka “SDF” taasi oo muftaaxeedu ahaa kadib markii wakaaladda horumarinta waddooyinka oo hoos timaada Madaxtooyada Somaliland ay ku dhiiratay bilowga dayactirka jidka isku xidha Caasimada iyo Marsada dalka.

Waxaa sidoo kale Bushaaro ah in aan haysano balanqaadka dhismaha iyo dayactirka jidka isku xidhi doonaa Sheekh – Laasacaanood iyo sidoo kale dhismaha 6 Bridge oo loo qaybin doono dhamaan dooxyada dalka sida ay u kala baahida badan yihiin.

Talaabooyinkan oo ay xukuumadu gadhawadeen ka tahay iyadoo caawin ka helaysa sanduuqa horumarinta Somaliland ayaa imanaya kadib markii hufnaan shaqo iyo dhiiranaan maamul laga arkay xukuumada Somaliland oo kaashanaysa shacabkeeda horumarka u heelan.

Waxaa hubaal ah in dhismaha waddooyinku kaalin wayn ka qaataan kor u qaadida ganacsiga, adkaynta amaanka, iyo abuuritaanka fursado shaqo.

Waxaa xusid mudan in lacagtii loogu talo galay dhismaha 56-ka km ee ilaa hadda qabsoomay aan badbaadinay “Save” ku dhawaad 2million oo doolarka maraykanka ah taasi oo ku timid khibrada ay wakaaladda horumarinta waddooyinka oo hoos timaada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland u leedahay dhismaha waddooyinka iyo tashiilka maamulka gacanta ku haya iyadoo aan marnaba laga tanaasulayn tayyada raandhiiska leh “waa astaan wanaagsan oo soo jiiidatay cid walba oo xiisaynaysa in ay wax inala qabato”

Shacabka reer Somaliland waa cudud caafimaad qabta isla markaana uu hogaaminayo caqli cilmi badan kaashanaya.”

Wa Bilaahi Tawfiiq

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories