HomeWasiir Xirsi Oo Jidka Ceerigaabo Ku Tilmaamay Tijaabadii Ugu Adkayd Ee...

Wasiir Xirsi Oo Jidka Ceerigaabo Ku Tilmaamay Tijaabadii Ugu Adkayd Ee Qaranku Galo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ceerigaabo, (SLpost)- Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah weftiga Weftiga Madaxweyne Siilaanyo ee socdaalka ku maraya  gobollada Barriga dalka, ayaa  sheegay in dhismaha jidka Ceerigaabo uu yahay imtixaankii ugu weynaa ee dhinaca waxqabadka ee dawladda Somaliland gasho mudadii ay jirtay.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sheegay in lagu guulaystay dhammaystirka in ku dhow kala badh mashruuca dhismaha jidka isku xidhi doonaa Sanaag iyo Togdheer oo uu ku tilmaamay in uu ahaa tijaabadii ugu adkayd ee qaranka Somaliland galo abid.

Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu kaga hadlay arrintaasi iyo qodobbo kale  oo uu ku baahiyay bartiisa internetka eeguusha.com, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Waxaa maalmihii u dambeeyey soconayey weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha JSL Md, Axmed Maxamed Siilaanyo ee kormeerka shaqo ku marayey gobolada barriga Somaliland. Haddaba, weftiga oo maalmo ka hor ka soo laabtay gobolka Sool ayaa soo gaadhay gobolka ugu weyn JSL ee Sanaag oo laga hirgalinayo mashruuca ugu weyn dalka.

Mashruuca dhismaha jidka isku xidhi doonaa Sanaag iyo Togdheer oo ahaa tijaabadii ugu adkayd ee qaranka Somaliland galo ayaa waxa Illaahay  loogu mahad naqo ah in guushiisii  waxyar ka dhiman tahay oo maantaba ku dhawaad 150Km diyaarsan tahay kuwaas  oo isugu jira in laami ah iyo in ku jirta  diyaarinta wejigii ugu dambeeyey,Wuxuu ahaa imtixaan ay ku kala baxeen inta Somaliland dhuuniga u dhex joogta iyo inta dhaqasho ugu dhabar jabtay.!

Waxay ahayd tijaabo iyo wakhti uu fulaygu shakiyey balse geesiyadu geella baxsheen waliba ugu yaraan  kalmad wanaagsan deeq uga dhigeen shacabka reer Sanaag ee sanadaha badan jid la’aantu go’doonka ka dhigtay,waxaase nasiib darro ah in dadka qaarkood ugu  yaraan  kalmad wanaagsana u quudhi waayeen maalintii adkayd.

Waxaa amaan iyo bogaadin mudan shacabka xoolihii ay dhaqanayeen jidka ku daray iyagoo soo nooleeyey dareenkii ahaa  iskaa wax u qabso  kuwaas oo tusaale fiican u ah isku duubnida shacabka iyo xukuumada jidka horumarka cagta u saartay.

Waxaa xusid mudan in ujeedada shacabka loo waydiinayo qaadhaanka jidku aanay ahayn in xoolaha nool iyo lacagtuba wax badan jidka ka dhisi karayaan  balse ay tahay in la abuurro jawi qofka muwaadinka ah dareemo in uu dalkiisa wax gashanayo taasi oo xoojinaysa lexejeclada uu dalkiisa u hayo.

Waxaa xasuusin iyo farxad mudan in maanta dhammaan intii daamur geli lahayd jidku diyaar tahay sidoo kalena ugu yaraan lix dhaggax burburiye “Crushers” ay ku rakiban yihiin buuraha kuwaasoo isugu jira qaar Wakaaladda horumarinta waddooyinku leedahay iyo kuwo dad shakhsi ah leeyihiinba.

Waxaa hubaal ah in maalin dhow inta yar ee ka dhiman jidku dhammaan doonto sidoo kalena noqon doonto guul guud ahaanba qarankeenna u soo hooyata  waxaan aaminsan nahay in Wixii Rag u Kaco Rabbina aqbalo haba ragee uu rumoobo.”

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories