HomeWASIIR XIRSI: “Mushkilad-baa Haysata Dadka Gaagaaban, Markaan Idhi SNM Hala I Qoro,...

WASIIR XIRSI: “Mushkilad-baa Haysata Dadka Gaagaaban, Markaan Idhi SNM Hala I Qoro, waxa la yidhi Kani Waa Caano Nuug”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii u horeysay si faahfaahsan uga sheekeeyay kaalintii uu ku lahaa dagaalladii dib xoreynta Somaliland, dhibaatadii ka qabsatay markii uu doonayey inuu ka mid ah noqdo ururkii SNM iyo arrimo kale oo ku saabsan dedaalka uu nolosha u soo galay.

Wasiirka Madaxtooyadu, waxa uu sheegay inuu ururkii SNM si dhuumasho ah ugu biiray sanadkii 1987-kii isla-markaana uu muddo dheer u lugeeyay deegaanka EEGE oo laga qorayey SNM.

xirsiWasiir XIRSI, oo ka hadlayey Munaasibad casho sharaf ah oo uu u sameeyay ardaydii toddobaadkan ka qallin-jabiyey Jaamacadda Hargeysa, ayaa isaga dhalinyaradaasi tusaaleynaya waxa uu yidhi “Dhalinyaradu waxyaabaha ay ka cadhooto waxa ka mid ah inaan da’yarida waxba loogu quudheynin oo aan manaasiibta waaweyn loo quudheyn, anigana arrintaasi waxbaa iga soo maray, 1987-kii, iyadoo ciil iyo cadho I hayso ayaan is idhi SNM ku biir oo qori qaado oo wax iska celi.”

Wasiirku, waxa uu sheegay oo kale in xitaa heerarka dhararkiisu caqabad ku noqday inuu si dhib yar ugu biiro SNM “Mushkilad-baa haysata dadka gaagaaban oo waxa loo qaataa inay da’ ahaan aad u yar yihiin, inkasta oo ay leedahay xil qarsiimo oo qofku da’ walba uu iska leekaado” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Waxaan xasuustaa markii aan imid halkii laga qorayey SNM oo aan in badan u soo lugeeyay oo aan u soo dhuuntey, oo haddii jidka la igu qabto nolosheydu dil ahayd, ayaan xadka ka tallaabay, waxaanan imid meel la yidhaahdo EEGE oo ku taalla (gudaha Itoobiya), laakiin waxa igu adkaatay in la I qoro, waayo waxa la yidhi kan innaga daaya waa caano nuuge, weli maan iloobin kalmaddaasi ahayd Caano nuugga yar innaga reeba (Ha qorina SNM)..”

Wasiir Xirsi, waxa uu sheegay in dhibaato kasta oo qabsatay, haddana la qoray SNM “Markaa waxay dhibaato iga qabsatay in la I qoro SNM oo aan qori qaato oo aan dalka u dagaalamo, laakiin markii dambe ayaa la I qoray, bal ogow, hadda Jaamici ayaad tahay haddana waad war-wareysaan (Ardayda), annaguna askari aan mushahar qaadaneyn oo doonaya inuu dalkiisa u dagaalamo (ayaanu lahayn I qoro)… imika waxa laga yaabaa inaad maqasho XIRSI..XIRSI, oo aad moodeyso inuu Xirsi Qumbe ka soo baxay, waar noloshu halgan-bay leedahay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray, isaga oo ka hadlaya sida loog baahan in dhalinyaradu u dedaasho helidda shaqooyinka “Waxa laga yaabaa inaad shaqo la’aan ka wada cabanaysaan (Dhalinyarada jaamacadaha ka qallin-jaliyey), waxa aniga I soo martay inaan subax shaqo tagey, waxaanan go’aansaday inaan subaxdaasi aan si uu shaqo ku soo helo, waxaanan go’aansaday inaan albaabkii furanba shaqo waydiiyo, albaab iguma soo baxayn, ilaa shaqo aan waydiiyo, imika waxa laga yaabaa inaad maqasho XIRSI..XIRSI, oo aad moodeyso inuu Xirsi Qumbe ka soo baxay, waar noloshu halgan-bay leedahay”

Xigasho: Somalilandtoday

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories