HomeWasiir Xirsi: Masuul Shaqadiisii ka soo baxay oo leh sifo Hoggaamineed -...

Wasiir Xirsi: Masuul Shaqadiisii ka soo baxay oo leh sifo Hoggaamineed – W/Q: Cabdixakiim Axmed Cali

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Astaamaha wanaagsan ee Allah ka cabsiga, dulqaadka, deganaanta, Aamuska, kartida, deeqsinimada iyo fejignaanta waa kuwa masuulka usoo jiida inay inta caqli iyo xikmad Allah siiyay u aragto masuul hawshiisa gudanaya, kana gaadhaya guul dhamaystiran.

Astaamahan waxay ka muuqdaan Mud.Xirsi Cali X.Xasan wasiirka madaxtooyada. Badi culimida falsafaddu waxay tilmaaman in qofka had iyo jeer noqonaya hogamiyaha ay tahay dhalasho iyo dhiiranaan iskaga abuuran oo Allah siiyay, inakstoo cilimga hogaaminta casriga ahina ku daro inay haddana tahay wax la barto (modern leadership).

Soomaalidu waxay leedahay waayo aragnimo xeel dheer oo sooyaalka hogaan dhaqameedka ah waxaana ka buuxa astaamo iyo calaamado badan oo maanta si weyn uga soo if baxay Wasiirkan da’da yar Wasiir Xirsi.

Guddoon jilicsan, iyo gacan gudhan waa astaamaha la isla gartay in tahay sifooyinka aan u qalmin hogaamiyaha. Haddii aad dib u yar jaleecdo dhammaan hawlaha uu qabtay waxay ku fadhiyaan xikmad iyo iyo geesnimo…. Waxa laga yaaba inay qaar badani u arkayaan in aan aamanayo laakiin markaan eegay dhammaan hawlaha u qabanayo waxa ku dhex jira dhiiranaan iyo geesinimo.

Xafiiska Xirsi waa kan lagu hadal hayn badan yahay taasi ayaa muujinaysa baaxadda hawlaha ka socda, waayo xasadka ayaa ku bata qof kasta oo hawshiisa si daacadnimo iyo ragnimo leh u gudanaya.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuu asiibay markii uu Xirsi u dhiibay jagadaasi muhiimka ah wakhtigan uu xasadkii, xumantii, caqli yaraantii iyo keli wax isla doonkii samada maray.

“In most cases being a good boss means hiring talented people and then getting out their way”

Marar badan maamulaha hoggaanka wanaagsan, waa iyadoo la hawl-geliyo dad karti leh oo loo sii daayo hawshooda.

Madawexyne waayo arag ah oo gartay in kartida iyo aqoontu tahay tan uu Xirsi ku sheqeeyo ayaa horseeday inuu Xirsi ku dhiirado in hawlaha qaranka ee kale ee qabyada ahna kartidiisa wax kaga qabto.

Maxay doonayaan… Marka ay leeyihiin maxaa soo geliyay wadooyinka miyaanay ogayn in wakaalada waddooyinku tahay waax ka tirsan wasaarada madaxtooyadda.

“If you really want the key to success, start by doing the opposite of what everyone else is doing”
Wax kasta wuxu kaga imanyaa dhinac aanay filayn waana taasi ta jahawreerrka iyo dacaayadda xad dhafka ka keentay, mana fahmi karaan qaabkan iyo habkan uu adeesaganyo way ku cusub tahay.

Qofka dalka iyo dadka wax u qabta … taariikhda ayaa sheegays .. maanta waxa jira buugaag badan oo la qorayo oo dalka iyo dadkaba laga qorayo kuwaasi ayuu Xirsi si run u ah uga soo baxaya …koox iyo ashkhaas kalene kalintii ay ku lahayeen oo run ah ayaa la arki doona.

Madaxweynuhu wuxu qaatay odhaahda maamul ee ah:

“ The best executive is the one who has sense enough to pick good men to do what he wants done, and self-restraint to keep from meddling with them while they do it”

“Hogaanka tayada lihi wuu doortaa rag tayo leh oo fuliya wuxuu rabo in la qabto ”
Xirsina wuxuu ka mid yahay kuwaasi dareenka iyo kartida waxqabad isugu darsanatay ee fulinaya wixii loo xilsaray iyo wax ka badan.

Cabdixakiim Axmed Cali

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories