HomeWasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan: Intaan Ka Arkay (3)- W/Q: Siciid Maxamuud...

Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan: Intaan Ka Arkay (3)- W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Siciid Maxamuud Gahayr
Siciid Maxamuud Gahayr

Abbaarta ama doonitaanka 3aad ee aan u gudbiyay Golaha Xukuumaddu waxa uu kabka qayb ahaan dhaqaalaha ku baxaya dhigane sooyaal oo aan waday (SAMO-TALIS)…  Ayaantii ku suntanayd 08/Jen/2013-ka, goorsheegtuna dul-taagnayd 07:30 subaxnimo ayaa aan dhambaal xaajadaas iftiiminaya u dhiibay Safiirka Wareega ee Somaliland, Dajnjire Kaysar Cabdillaahi Maxamed oo ah masuul garasho xooggani naga dhexaysay, ururro samo-falna aannu ka wada tirsanayn hawshana aan wadana ku qanacsanaa oo dalka booqasho ku yimi, aroortaasna hawlo-shaqo u aadayay, kulanno iyo ballamo ku lahaa Madaxtooyada..

 Si habsami leh ayuu u guddoomay una gudbiyay dhambaalkaas Danjiruhu, isaga oo gaadhsiiyay Wasiir Xirsi oo ahaa cidda aan farriinta ku socodsiisay… Markuu Wasiirku dheehday dulucdii warqadda loo tebiyay waxa uu xusay, carrabkana ku adkeeyay in Xukuumaddu karaankeed bixin doonto maaliyadda ku baxaysa buugga Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe).. Dabcan, dirqi ma jiro waxaana la yidhi ”Awr xammilkii waa qaadaa, xadhig qallooca’se ma qaado, togna taagtii buu rogmadaa”…. Anna waan ku diirsaday in aan sugo inta maamulkeennu ka awoodo arrinka aan guudka u saaray

Aniga oo aan wacaal dambe helin ayuu Danjire Kaysar u dhoofay Ingiriiska 10/Jen/2013-ka oo uu ka soo kicitimay… Maalmihii ku xigayna (11-12/Jen) Wasiir Xirsi iyo wefdi uu ka mid yahay ayaa Jabuuti ugu geeddiyay ka qaybgalka aaskii loo samaynayay Alle ha u naxariistee Jaamac Maxamuud Xayd, Guddoomiyihii Baanka Jabuuti oo ku geeriyooday Nayroobi. Waxba yaanan hadalka idinku daalinnine 13/Jen/2013-ka ayaa la iga soo wacay Xarunta dalka majaraha loogu hayo, lagana hago (Qasriga Madaxtooyada), abbaaro maalin-badhkii iyada oo afka lagu hayo eedaanka salaadda duhur.. Judhii aan ka jawaabay taleefanka igu soo dhacayba waxa la ii sheegay in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii aan u tebiyay oo dhan.. Milay aan badnayn haddii aan joogayna waxa isoo gaadhay gacan-qabadkii xukuumadda aan ka dhawrayay oo idil.. Inaan u mahad-naqo dawladda iyo masuuliyiinta ka qaybqaatay hirgelinta himiladii an haabka ku hayay ayaan ku fal-celiyay.

Tanina waa tilmaan kale oo diiradda ku qabanaysa ballan-dhawrka Wasiir Xirsi… ”Haa” iyo ”Maya” ama dayro iyo deeqba waa la geyaa.. Meermeerin ayuunbaa ugu lur badan… Shaamareer ayaydun dhegaha faraha gelin haddaan faahfaahiyo waxa iga qabsaday dad xilkas loo tuhmayo iyo dhinaca buugaagta…. Nin masuul ah oo xanta magaalada ku maqli jiray weedho ubucdoodu tahay ” Xirsibaa waxan sameeyay… Tanna ku kacay…. Falkaasna ka dambeeyay… Hayaay….. Xirsi baa… Xirsibaa..” ayaa la kulmay Xirsi markii uu ahaa Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada… Eedihii badnaa ee garaadkiisa tuulnaa iyo rasmiga biyo-kama-dhibcaanka ah ee uu ka arkay hor-fadhiisiga Wasiir Xirsi ayaa isu-qaban waayay.. Waajaddahaas kaddib haddii uu dhaayaha saaro cid hadal haysa Wasiir Xirsi wuxuu odhan jiray ”Ma Xirsigii suuqa ayaad sheegaysaan mise kii runta ahaa?”.. Sidaas ayaanay cid walbaaba ku gaabsan jirtay….

Gebagebadii waxa aan leeyahay ”Waa tallaabo lagu hirto oo dhanka togan loo qaaday in xukuumaddu ka qab-qaadato hawlaha buugaagta laga qorayo dadka dalkeenna ugu jira kaalinta halbawle iyo jeexid jid ay ka meeraysan jireen maamulladii ka horreeyay xukuumaddan hadda talada haysa… Waax laf-dhabar ayuu ka noqon doonaa waxqabadka xukuumadda ee 2013-ka haddii Alle idmo”…. Halkaasi ayaan ku dabrayaa saddexdii qormo ee ku astaysnaa ”Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan: Inta aan ka arkay”…. Gabbood-fal iyo guul wixii ku ladhnaana waa dummadayda iyo aragtidayda! Haddaad ku doogsateen iyo haddaad ku diirsateenba waan idiinka mahad-naqayaa akhriskiinna jaallayaal.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA)

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories