HomeWasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan: Inta aan ka arkay - W/Q: Siciid...

Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan: Inta aan ka arkay – W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr ~ Qaybta 2aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Aan idhaahdo ”Alleylehe waa qormo” mar haddii aan dareen-celin midba jaad gaara tahay aan ka helay dad kala geddisan… Malaha Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan waa siyaasi ka mid ah kuwa loogu hadal-haynta iyo dhegtaagga badan yahay madaxda qaranka….. Yaanan ararta ku tiigaaline maqaalkii 2aad iga guddooma…

Danta labaad ee aan ka lahaa Kulanka Wasiir Xirsi waxa ahayd inuu ii fududeeyo helista eray-maamuus aan rabay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu ku yeesho buugga SAMO-TALIS: Taariikhda iyo Talo-nabadeedka Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe).. Madaxweynaha iyo Xaajigu waxa ay is-barteen muddo haatan laga joogo ku dhawaad 47 sanno, xilligii ay Soomaaliya ka talinayeen xukuumadihii rayidka ee milatarigu af-gambiyay waxaanay ka wada shaqeeyeen meelo badan sida dawladdii Milatariga, Halgankii SNM gaar ahaan 1988-1991-kii, Daminta shaqaaqooyinkii 1992-1996-kii geyiga ka aloosmay maadaama oo ay Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida ku kala jireen, Shirarkii Nabadaynta, Qancinta kolkii Kulmiye laga helay doorashada 2003-kii iyo dhacdooyin kale oo badan… Wasiir Xirsi waxa uu kolkaas ii sheegay kelmad uu hore Madaxweyne Siilaanyo uga yidhi Xaaji Cabdi markay taariikhdu ahayd Sep/2012-ka.

Wakhtigaas Xaaji Cabdi wuu xanuunsaday warar been-abuur ahna waa laga faafiyay xaaladdiisa.. Laakiin xukuumadda Somaliland ayaa u diyaarisay diyaarad gaar ah oo u qaadda Jabuuti si caafimaadkiisa loogu baxnaaniyo.. Isaga oo madaxweyne Siilaanyo faraya golihiisa wasiirrada daryeelka Xaajiga ayaa waxa uu yidhi ”Xaaji Cabdi waa shakhsiyad qaran.. Waa in loo keeno diyaarad gaar ah oo Jabuuti geysa si loogu daaweeyo”… Waan bogaadinayaa falkan, waayo waa ka hortag waxaana in suubban in qofka inta uu noolyahay hiil iyo hoo lala garab-istaago.. Halkii marka uu xannaano la’aan u xijaabto aas qaran loo dhigi lahaa.. Iilkiisana goolal lagu qali lahaa… Oohintuna arliga is-qabsan lahayd…

Dabcan Wasiir Xirsi war aan ku qancay ayuu iiga keenay codsigaa aan u dhiibay.. 2-3 dharaaroodna waxa aan kaga helay fal-celin rasmi ah. Inta aan arkay waxa uu Wasiirku ahaa qof macquul ah, aragtida maangalka ahna u joogsada, ballantana oofiya.. Run-sheeg iyo xilkasnimo mug ahna leh…Mar kale 17/Disember/2012-ka ayaanu Wasiir Xirsi isku aragnay Jabuuti, waa ayaantii loo dabbaal-degayay xuska afartan-sanno guuradii ka soo wareegtay qoraalka farta Soomaaliga oo ay ka qayb-galeen saddex madadaxweyne, wasiirro, wakiil u socday Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, qoraayo, abwaanno, suxufiyiin iyo cilmi-baadheyaal isaga yimi qaaradaha adduunka.. Anna aan ka mid ahaa bahda lagu marti-qaaday..

Kolkii munaasibaddu gebagabada ku dhawayd ayaan Wasiir Xirsi ugu tegay kobtii uu madasha ka fadhiyay.. Bariido kaddib, aniga oo aan sugin inuu i garto iyo in kale waxa aan xasuusiyay inaan ahay ninkii qorayay dhiganaha SAMO-TALIS, kana duubay kelmadda. Waa ii dhaqan inaan isu sheego dadka aanu mar iyo laba kulannay, gaar ahaan masuuliyiinta, sababtoo ah waxa ay la kulmaan kumannaan qof.. Wasiirku waa i soo dhaweeyay.. Wuxuu iiga warramay muhiimadda qoraalka Sooyaalka Xaaji Cabdi iyo hannaankii la isugu xigsiin lahaa taariikhda dhiganaha laga soo bilaabo dhalashadiisa, hanaqaadkiisa, la-shaqaynta maamulladii Ingiriis iyo Talyaani, xornimadii waddanka ee 1960-kii, la miawgii Soomaaliya, dib u xorowgii waddanka, dhismihii dawladnimada iyo nabadda qaranka, illaa laga soo gaadho halka u dambaysa..

Labaaba is-waafaqay.. Habkii aan buugga u qoray iyo soojeedinta Wasiirka.. Waxa aan u sheegay inaan jidkaas u qoray uuna yahay Sooyaalkii ummadda Somaliland oo Xaajigu udub-dhexaad u yahay… Intaas markii aanu ka gudubnay, waxa aan u soo jeediyay in Xukuumadda Somaliland la shaqayso Naadiga Somaliland PEN oo ka tirsan Ururka Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed ee Somali Pen.. ”Hawraarsan iyo diyaar ayaannu u nahay” ayuu iigu fal-celiyay… Tanina waa fal aan hirgalinteeda weli ku jiro, aan dhawrayana inay midho bogaadin mudani ka dhalan doonaan haddii Weynuhu oggolaado.

Intaas kuma ekayn sheekhada na dhex-martay Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasane waxa aan ugu sii ladhay arrin aan u arkayay inaan daw iyo gar ugu leeyahay Xisbul-xaakimka KULMIYE iyo dawladda, gaar ahaanna golaha xukuumadda oo aan u aqoonno ubucda iyo hawlbawlaha haga qaranka guud ahaan oo ahaa dhambaal aan u gudbin rabay Golaha Fulinta… Damacayguna ahaa in aan Wasiir Xirsi ku hagaajiyo si aan uga gungaadho yoolkaas aan lahaa…. Toloow codsigaasi muxuu ahaa???????

 

La Soco qaybta 3aad haddii Alle idmo…

 

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA)

saedmgahair@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories