HomeWasiir-xigeenkii Hore ee  Ciyaaraha oo Sharaxay Dib u Dhaca Ciyaaraha, Xilkiina Wareejiyay

Wasiir-xigeenkii Hore ee  Ciyaaraha oo Sharaxay Dib u Dhaca Ciyaaraha, Xilkiina Wareejiyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Wasiir-xigeenkii hore ee wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha  iyo dalxiiska, imikana ah wasiir-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Mudane Yuusuf Cismaan Garas ayaa maanta wareejiyay xilkii wasaaradda ciyaaraha.

 

Wasiir Garas waxa uu ka sheekeeyay waxyaabihii ay qabteen intii uu xilka hayey, waxa uu sheegay guulaha ay wasaaraddu gaadhay intii uu joogay in ay sumcad u soo hoysay wasaaradda. Waxaana uu sheegay in wareeggii labaad ee ciyaaraha uu dib u dhac ku yimid islamarkaana la qorsheeyay in la qaban doono fasaxa yar ee teeramka hore ee dugsiyada oo ku began bisha koowaad, isaga oo waxyaabahaas ka hadlayana waxaa uu yidhi “Waxaanu ku guulaysannay in aannu la xidhiidhnay xafiiska ergayga qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha dhallinyarada.Ciyaaraha su’aal baa ka taala, maxaa lala qabanayaa ciyaaraha qaybtii dambe ee loo qaban laayahay? Markii aannu wadatashi dheer samaynay kadib markii uu wasiirka ciyaaruhu shaqada ka tagay, Waxaanu qiimayn ku samaynay aniga iyo guddi kale oo wasiirro ah sidii loo bilaabi lahaa ciyaaraha qaybta hadhsan. Waxaanu ogaanay in ciyaaryahanada wakhti badan kaga lummay, oo khallad farsamo oo annaga naga dhacay aawadeed aannu bilawnay wakhti iskuulada la dhigannayey. Agaasimaha iyo wasiirada cusub ee wasaaradda waxa aannu talo soo jeedin u siinaynaa in la qabto wakhtiga fasaxa iskuulada lagu jiro. Maadaama oo iskuulada la dhiganayo ayaannu dib u dhignay oo qorshaha aannu u dhignay ahaa in la qabto fasaxa yar ee iskuulada oo ku began bisha koowaad koobka intii ka hadhsanayd”

 

Waxa kale oo Garas ka hadlay siyaasadda qaran ee wasaaradda ka qabyo ah ee u baahan in la dhammaystiro, waxaana uu yidhi “Waxa iyaduna muhiim ah oo qabyo-qoraal ah oo u baahan in la dhammaystiro siyaasadda guud ee ciyaaraha ee qaranka. Waaxda dhallinyarada siyaasadeedu way diyaarsan tahay oo laba waaxood (Waaxda ciyaaraha iyo waaxda Dalxiiska) baan lahayn siyaasad qaran. Intii aannu qornay qabyo ahaan waxa ay yaalaan xafiisyada oo dhammaystirkeeduna uu idinka idiin yaal”

 

 

Somalilandpost, Hargeysa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories