HomeWasiir Xaglo-Toosiye Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Warar Sheegayey Inuu Khilaaf Soo Kala...

Wasiir Xaglo-Toosiye Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Warar Sheegayey Inuu Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Isaga Iyo Madaxtooyada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLPOST) Wasiirka caafimaadka Somaliland, Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xoglo-toosiye) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay khilaaf la sheegay inuu soo kala dhexgalay isaga iyo madaxtooyadda Somaliland.

thumb

Wasiir Xaglo-toosiye ayaa waxa uu sidoo kale deedefeeyey cadho la sheegay inuu doraad kaga amba-baxay magaaladda Hargeysa, kaas oo sida ay tibaaxuhu sheegayaan Burco markii uu gaadhay ay wasiiradda duulista Maxamuud Xaashi iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal kaga daba-tageen isla markaana ay soo lad-qabeeyeen.

Wasiirka Caafimaadka oo isagu xalay Wargeyska Haatuf khadka telefoonka ugu waramay ayaa khilaafkaasi gaashaanka ku dhutay, waxaanu ku dooay inuu arrimo shaqo oo wasaaradiisa la xidhiidha u tagay magaaladda Buroc ee xarunta gobolka Togdheer, kaas oo xussay inaanu wax cadho ah u tagin halkaas, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu si kooban u yidhi “Waa waxba kama jiraan warkaasi ma jiro khilaaf noo dhexeeya aniga iyo madaxtooyada, waxaana naga dhaxaysa wada-shaqayn fiican markaa waxaan bulshadda Somaliland u sheegayaa inuu warkaasi yahay mid aan xaqiiqada ku salaysnayn”.

Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka jawaabaya su’aal aanu ka waydiinay cadhada la sheegay inuu Hargeysa kaga baxay, waxa uu yidhi “Ma jirto cadho aan anigu Hargeysa kaga baxay, Magaaladda Burco-na waa run oo waan tagay laakiin waxa aan u tagay shaqo, socdaalkayga Burco-na waxa uu ahaa safar shaqo, markaa sida aan kuu sheegay ma jirto cadho aan caasimadda kaga baxay”.

Sidoo kale sida ay wargeyska Haatuf u sheegeen dad xogogaal ahi wasiirka caafimaadka Dr Xaglo-toosiye ayaa isagu cadho kaga baxay maalintii doraad magaaladda Hargeysa, kaas oo sida ay ilo-wareedadaasi tilmaameen cadhadiisa lala xidhiidhiyey Odayaal uu ka mid yahay Ugaas ay xidhiidh dhaw lahaayeen wasiir Xaglo-toosiye oo ka yimid deegaanka Boocane oo caasimadda u jooga wada-hadalo ku taxaluqa gogashii nabada ee uu hore madaxwaynuhu ugu fidiyey beelaha barriga Somaliland, ayaan doorkii uu ku lahaa arrimaha deegaanada uu ka soo jeedo aan waxba laga waydiinin, kaas oo arrintaasi u arkay mid lagu yaraysanayo.

Dhinaca kale sida ay xogahaasi Haatuf u sheegeen wasiir Saleebaan Ciise Axmed ayuu khilaaf awood maroorsi oo ku wajahan deegaanadda Sool iyo Buuhoodle uu wakhtigan ka dhexeeyaa Wasiiru dawlaha arrimaha barriga iyo nabadaynta Cali Sandulle oo isagu hormuud u ahaa Odayaasha deegaanka Widh-widh ee madaxtooyadda la geeyey.

XIGASHO: Haatuf

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories