HomeWasiir Xagla-toosiye oo Mashaariic Adeegyada Caafimaadka ah u dhagax-dhigay Degmooyinka Caynaba iyo...

Wasiir Xagla-toosiye oo Mashaariic Adeegyada Caafimaadka ah u dhagax-dhigay Degmooyinka Caynaba iyo Xuddun

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Caynaba/Xuddun (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa mashaariic horumarineed oo adeegyada bulshada ee caafimaadku ka mid yihiin u dhagax-dhigay deegaamo ka tirsan gobollada Saraar iyo Sool.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo shalay si ballaadhan loogu qaabilay magaalada Caynaba, ayaa dhagax-dhigay Cusbitaal cusub oo loogu talo-galay in lagu daaweeyo Bukaanka uu haleelo Cudur-ka Qaaxada, kaas oo dhismihiisa ay maalgelinayso hay’adda COOPI oo wada-shaqayn la leh wasaaradda Caafimaadka.

xaglatoosiye (3)Maamulka gobolka iyo degmada Caynaba oo munaasibadda lagu dhagax-dhigay dhismaha cusbitaalka ka hadlay, ayaa wasiirka uga mahad-naqay hirgelinta cusbitaalka TB-da oo ay xuseen in bulshada gobolka baahi-weyn u qabeen isla markaana uu ahaa adeeg caafimaad oo la tabayey.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka oo isaguna ka hadlay munaasibadda, ayaa sheegay in mashruuca hirgelinta cusbitaalkani qayb ka yahay mashaariic horumarinta adeegyada Caafimaadka ah oo wasaaraddiisu ka hirgelinayo gobollada dalka.

“Waxa farxad u ah wasaaradda Caafimaadka inay dhagax-dhigto cusbitaalkii TB-da ee Caynabo,” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka oo intaas ku daray in hinsidaha lagu hirgelinayo cusbitaalkani ka soo baxay qorsheyn dhinaca baahiyaadka gobollada ee dhinaca cusbitaallada lagu daweeyo dadka uu haleelo cudurka Qaaxada oo bulshada ku dhaqan gobollada dalku u kala nugul yihiin.

xaglatoosiye (1)Dhinaca kale, Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed, ka hor intii aanu soo gaadhin magaalada Caynaba, waxa uu mashaariic horumarita dhinacyada adeegyada bulshada ah u dhagax-dhigay degmada Xuddun iyo deegaamada hoos-yimaaddo ee gobolka Sool, halka qaar kale oo la dhammaystiray dhismahoodana uu xadhigga ka jiray.

Dr Saleebaan Ciise Axmed oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan hay’adaha WorldVision, MercyUSA iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaraddiisa, waxa ay socdaalkooda ku mareen deegaamo maamul ahaan hoos-taga degmada Xuddun. Wasiirku waxa uu ugu horeyn Xarun Caafimaadka Dhallaanka iyo Hooyada ah u dhagax-dhigay tuulada Lafa-weyne oo ka tirsan degmada Xuddun. Waxa kale oo Wasiirka Caafimaadku uu magaalada Xuddun u dhagax-dhigay Cusbitaalka Daaweynta Cudurka Qaaxada.

xaglatoosiye (2)“Waxaanu maant a halkan ku dhagax-dhigaynaa fidinta iyo ballaadhinta cusbitaalka TB-da ee degmada Xuddun oo aanu ugu talo-galnay inuu daboolo baahida xannuunka ee deegaankan ka jirta. Dhismihiisa sida ugu dhakhsaha badan ayaa loo bilaabayaa, shaqaalihiisii iyo dawadiisiina waa diyaar, waxaana hawsheeda wadi doonta oo ila socota hay’adda MerciUSA,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu bulshada deegaanka ugu baaqay inay ilaashadaan cusbitaalka loo hirgeliyey iyo hay’adda ka hawl-galaysa.Wasiir Xaglatoosiye waxa uu ballan-qaaday in wasaaraddiisu ku hawlan tahay sidii magaalada Xuddun looga hirgelin lahaa cusbitaal ballaadhan oo daboola baahida caafimaad ee bulshada ku dhaqan deegaamada hoos yimaadda degmada Xuddun.

Dhinaca kale, Wasiirka Caafimaadku waxa uu xadhigga ka jaray dib-u-habayn iyo ballaadhin lagu sameeyey xarunta Hooyada iyo dhallaanka ee degmada Xuddun oo dhismaheeda ay fulisay hay’adda Bisha Cas.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories