HomeWasiir Warancadde oo Mahad iyo Raaligalin U Diray Itoobiya, Soomaaliyana Ku Eedeeyay...

Wasiir Warancadde oo Mahad iyo Raaligalin U Diray Itoobiya, Soomaaliyana Ku Eedeeyay Taageeridda Kooxda Wabar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay waxa uu  raaligalin iyo mahadnaq u diray dawladda Ethiopia. Waxa kale oo uu mahad uga celiyay bulshada Awdal dhacdadii lagu weeraray guddoomiyaha gobolka Awdal.

 

 

“Waxaan jeclahay inaan halkan uga mahadceliyo dawladda Ethiopia hadday tahay dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo dawladda federalka ahba, sida aynu uga wada shaqayno wixii dhibaato ah ee ka dhaca xuduuda Somaliland iyo Ethiopia. Waxaan mahad gaar ah u celinayaa madaxweynaha dawlad degaanka Ethiopia oo ku hawlan sidii xuduuda Somaliland iyo Ethiopia u noqon lahayd mid nabadeed oo ka caagan fidmo wadayaal,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Wasiirka oo sii hadlaya waxa uu sheegay inuu dawladda Ethiopia ka raaligalinayo ciidamada Somaliland oo ka talaabay xuduudka islamarkaana Ethiopia gudaha u galay wakhti ay Eryanayeen kooxdii weerartay badhasaab Ramaax oo gudaha Ethiopia gashay.

 

 

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland wuxuu xukuumadda Muqdisho ku eedeeyay inay dabada ka riixayso kooxda Wabar ee xuduuda gobolka Awdal la leeyahay Ethiopia ku sugan “Arrintaasi waxa wada dad wax ma garato ah oo caqli gaaban oo cadawgu ku adeeganayo, ha ugu horeeyaan kuwii aynu ka gonay ee Soomaaliya oo aannu ognahay inay dabada ka riixayaan waliba maamulka Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Wasiirka oo arrinta Somalia ka sii hadlaya ayaa yidhi “ Waxay doonayaan in Somaliland la mid noqoto Somaliyada ay madaxda u yihiin ee ay dabka ku gurayaan bulshadoodii, markaa kuwa u adeegaya dadka doonaya in dadku(Somaliland iyo Somalia) isku wada mid noqod, hadday gudo joogaan iyo hadday dibad joogaan ba waxaanu leenahay dalkan Somaliland waa mid umaddiisu midaysan tahay, waxaanan u sheegayaa cid kasta oo isku dayda inay khalkhal galiso nabadda Somaliland inay farta dhexda ka qaniini doonto,” ayuu yidhi Wasiirku

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories