HomeWasiir Siciid Sulub oo mar kale reer Oodweyne ugu baaqay inay la...

Wasiir Siciid Sulub oo mar kale reer Oodweyne ugu baaqay inay la tartamaan Gobolka Gabiley

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa weedho dhiirri-gelin ah oo uu u jeediyey shacabka degmada Oodweyne mar kale tusaale ugu soo qaatay Gobolka Gabiley oo ay mataano yihiin isla markaana sida uu sheegay loolan iyo tartan ka dhexeeyo.

Siciid Sulub oo isaga iyo Wasiirro ka mid ah Xukuumaddu kormeereen Goobaha diwaangelintu ka socoto ee Gobolka Daad-madheedh, ayaa Shacabka Oodweyne u soo jeediyey inay si wanaagsan u qaataan Kaadhadhka Cod-bixinta oo halkaa ka socota.

blankWasiir Siciid Sulub ayaa sheegay in reer oodweyne looga baahan yahay inay la tartamaan Gabiley isla-markaana laga rabo 50 kun oo kaadhadhka Cod-bixinta ah inay qaataan.

“Haddaydaan Maanta kaadhadhka cod-bixinta qaadan Ninka aad jeceshihiin ee aad is leedihiin wax buu idin qaban ma dooran kartaan, Madaxweynayaal baad dooranaysaan, Baarlamaan baad dooranaysaan, Goleyaasha deegaanka ayaad dooranaysaa, markaa si ay u soo baxaan Dadka fiican ee aad doonaysaan inaad soo saartaan Qof walba waa inuu kaadhkiisa qaataa,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Siciid Sulub oo meel fagaare ah kala hadlayey shacabka reer Oodweyne.

“Berigii hore aad baa loo sagsaagay oo waxba lama qaadan, siiba Gobolka Daad-madheedh waxba lagama qaadan, waxa la yidhi Doofaarka Ficil la’aan baa lagu cadaabaaye waxaad tartami jirteen Gabiley. Oodweyne iyo Gabiley way isku faani jireen, berigii hore Oodweyne ayaa ka faan badnayd, laakiin faankan Aakhiru-samaanka Gabiley baa faan badan, tiradana iyagaa badan, wayna ka muuqataa oo waxa la leeyahay diwaangelintan cusub Gabiley waxay soo saartay 40 kun, Oodweyne hadday 50 kun soo saari waydo Faankii halkaasaa lagaga qaaday, Dadkii soo saara ama Xadka ka keena ama cirka ka keena 50 kun baan idinka aqaanaa…” ayuu yidhi.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Md Siciid Sulub, ayaa sidan oo kale khudbad shacabka Oodweyne uu u jeediyey bishii October ee sannadkan, waxa uu ku sheegay in degmooyinka Gabiley iyo Oodweyne mataano yihiin isku xilli-na qaateen darajada degmo-nimada, balse ay Gabiley kaga dheeraysay horumarka.

Wasiir Sulub oo ka mid ahaa wefti wasiirro ah oo madaxweyne Muuse Biixi ku wehelinayey socdaal uu sannadkan ku tagay magaalada Oodweyne oo uu xadhigga ka jaray mashaariic kala duwan, ayaa Dadweynihii soo dhaweeyay Weftiga Madaxweynaha kula kaftamay inay deegaan ahaan u ekaadeen Gobolka Gabiley oo uu ugu yeedhay ‘Gobolkii Cagaarnaa’, isagoo hadalkiisu tix-raacayey qaabkii soo dhaweynta madaxweynaha.

“Reer Oodweynoow, Maanta waxaad u yar eg-tihiin Gobolkii Cagaarnaa ee Gabiley, markaa eegto Roogga, Doogga aanu soo marnay iyo Geella la eego, Gabiley iyo Oodweyne-na Mataanu ayay ahaayeen, markii Gumaysigu innaga kacay, 1963-kii Afartii degmo ee la bixiyey ee u horreeyay ee la bixiyey ayay ka mid ahaayeen, way kala hormareen, sababta ay u kala hor-mareena waan idiin sheegayaaye Shacabka deegaanka ayuun baa kala hormariyo Gobollada ee Dawladi ma kala hormariso.” Sidaas ayuu hadalkiisa ku sheegay wasiir Sulub oo khudbad ka jeediyey munaasibad madaxweynuhu xadhigga kaga jaray Xarunta Bangiga Dhexe ee Somaliland ku leeyahay degmada Oodweyne.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories