HomeWasiir Samsam oo sheegtay in Midawga Yurub ku Kalsoonaadeen Nidaamka Maaliyadda Somaliland

Wasiir Samsam oo sheegtay in Midawga Yurub ku Kalsoonaadeen Nidaamka Maaliyadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa(SLpost)-Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay in xafiiska Maaliyadda Somaliland uu kalsooni badan ka kasbaday ururka Midawga Yurub, qaadhaan bixiyayaasha iyo guud ahaan Beesha caalamka, kadib markii ay wasaaraddu ku guulaysatay xidhiidhka Baanka Adduunka.

Wasiirka Samsam Cabdi Aadan ayaa sidaasi ku sheegtay warbixin ay ka jeedisay kulan ay shalay la qaadatay Saraakiil ka socday Midawga Yurub, waxaanay sheegtay in ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqaynta Wasaaradda Maaliyadda iyo Ururka Midawga Yurub. Iyada oo sheegtay in kulankoodu ka dhashay ka dib markii Xukuumadda Somaliland ay qaadatay tallaabooyin lagu qorshaynayo maaliyadda iyo hannaanka canshuuraha dalka

 

“Halkan xafiiska waxa iigu yimid  qolo ka socota EU-da  ee Xafiiska Nairobi iyo Hargeysa, waa innagii saxeexnay sannadkan maaraynta lacagta, markaa waxay ka hadlayeen uun sidii aanu u wada shaqayn lahayn waxa laga yaabaa in ay wada shaqayn jireen wasaarado kale oo ay  lacagta soo marin jireen xafiiska maaliyadda ee Somaliland oo ay imika ka dhalanayso kalsooni badan mar haddii aynu samaynay xidhiidhkii baanka adduunka waanu kala saxeexanay  kuwana waxa aanu kala saxeexanaynaa marka ay noo yimadaan,”Ayay tidhi Wasiir Samsam Cabdi Aadan.

Wasiir Samsam oo hadalkeeda sii wadata, ayaa intaa ku dartay. “Maanta (shalay) waxa kale oo aanu ka shiraynaa iyada mashruuca maamul daadejinta ee loo yaqaano JPLG-ga oo iyaguna dawladaha hoose ay siin jireen in ay ku soo shubaan xafiiska maaliyadda lacaguhu way na soo marayaan markaa waa in aanu waxa nagaga gudboon iyo sida aanu u sii daynayno iyagana u diyaarinaa heshiisyada aanu wasaaradaha la galaynana waa inaanu diyaarino hawl bay u baahan tahay iyo cid isku hawsha iyaga laftigooduna dad badan bay tabo barayaan dadka wasaaradan jooga waxaa ka mid ah dad badan oo aqoontaas leh iyo maaraynta miisaaniyada, iyo cashuuraha ayaa la tabobarayaa dadkan xafiisyada ka shaqeeya  xasiiska wasaaradda maaliyada kuwii haysta shahaadooyinkaas waa la uruuriya imikaba waxa la doonaya in tabobarka loo sameeyo  dad khabiirro ah oo ajanabi ahina wasaaradaha ayay la shaqaynayaan.”

Ugu dambayn waxaa ay ka hadashay sida loogu baahan yahay in qofka Muslimka ahi uu uga soo baxo balanta uu qaaday isla markaana uu run sheeg ahaado. “Markaa Insha ALLAAH,  waxa aanu rajaynaynaa in ay noqoto wax khayr qabta, markaa waxa aan leeyahay mar haddii kuwii ajanabiga ahaaba ee aan diinta haysaninba sidaa ay lacagihii haddii bisha shanteeda yidhaahdaan shanteeda ayay keenayaan, dee adiguna maxaad u samayn wayday adigoo diinta islaamka haysta oo garanaaya wixii aad heshiis gashay bisha shanteeda haddii ay tahay shanteeda aad keento barmaamijyada inaanu sidaas u samayno ayaanu rajaynayna waxaan Ilaahay ka barayayaa inuu igu taakuleeyo oo ay noo hawl yaraato markaa miisaaniyadeennii hore oo dhawr iyo afartan milyan gaadhaysay marka tan lagu sii darro wax badan bay noqonaysa waxaan isleeyahay haddii dad xilkasana loo xulo dabo-galna lagu sameeyo saacadaha shaqadana la badiyo ileyn  adduunkuba innagama caqli badna ee shuruucda iyo qaabka shaqada uun bay ilaaliyaan annaguna waxa aanu isleenahay uun bal intaas sameeya.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories