HomeWasiir Samaale oo sharraxaad ka bixiyey Miisaaniyaddii ugu Badnayd ee Somaliland yeelato...

Wasiir Samaale oo sharraxaad ka bixiyey Miisaaniyaddii ugu Badnayd ee Somaliland yeelato oo Golaha Wakiillada laga sugayo inay Ansixiyaan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

samaaleHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasis Maxamed Samaale, ayaa faahfaahin ka bixiyey Oddoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015-ka oo ah Miisaaniyaddii ugu badnayd ee ay Somaliland yeelato intay jirtay, taasoo maanta loo gudbiyey Golaha Wakiillada, ka dib markii ay Khamiistii ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumaddu.

Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay inay dedaal dheer u galeen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen Xaddiga Miisaaniyadda sannadka soo socda ee 2015-ka oo ay ku jirto Lacagta diiwaangelinta Madaniga ah, diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ay Xukuumaddu ku kaabayso iyo lacagta qabashada doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyadu-ba. Waxaanu Wasiirku u mahad-celiyey Shacabka Cashuur-bixiyeyaasha ah oo uu xusay inay waddaniyad iyo xil-kasnimo muujiyeen.

“Miisaaniyadda 2015-ku waxay dhan tahay laba boqol, konton iyo hal Milyan, Saddex Boqol oo Kun oo Doollarka Maraykanka ah. (251300,000), Miisaaniyadda dawladda dhexe waa boqol iyo siddeetan Milyan oo Doollar ($180m), halka ta dawladaha hoose ka tahay 27 Milyan, Hay’addaha Madaxa-bannaanna 29 Milyan, Dakhliga naga soo galaya Deeqaha Caalamiga ahina uu dhan yahay 14 Milyan oo Doollar, isku darkooduna waxa weeye 251 Milyan iyo saddex boqol oo kun oo Doollar.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo sharraxayay xaddiga oddoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015-ka ee Somaliland yahay.

Wasiir Samaale oo sidoo kale sharraxaya meelaha Miisaaniyaddu ku kala baxaysaa waxa uu yidhi; “Mudnaanta 1-aad ee sannadkani waxa weeye Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada iyo Diwaangelinta. Waxa kale oo runtii mudan Nabadgelyada sida Saanadda iyo Qalabka Ciidammada, waxa kale oo jira Mashaariicda Waddooyinka, Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Dhismeyaal kala duwan oo Wasaaradaha ah.”

“Runtii Arsaaqadda Illaahay baa bixiya, marka Illaahay wax kula qabanayana wax walba wuu kuu fududeeyaa. Runtii sannad walba Miisaaniyaddu way korodhaa, sannadkan waxay Miisaaniyaddu ka badan tahay tii sannadkii hore boqolkiiba siddeed iyo toban, Illaahay wuu noo fududeeyay dadkuna si fiican bay u bixiyaan Cashuurta. Inta badan Dakhligaasi waxa uu naga soo gala Cashuuraha Barriga iyo Kastammada kala duwan, waannu u mahad-naqaynaa Ummadda Somaliland ee bixisa Cashuurta.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey meelaha uu Dakhligu ka soo galo iyo sida uu baxayo.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories