HomeWasiir Samaale oo Markii u horeysay Intii uu Xukuumadda ka tirsanaa Luuqad...

Wasiir Samaale oo Markii u horeysay Intii uu Xukuumadda ka tirsanaa Luuqad Qallafsan kula hadlay Axsaabta Mucaaradka iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa tan iyo intii uu xilka wasaaraddaas hayay markii u horreysay si adag uga jawaabay dhaliilaha ay mucaaradku ku duraan xukuumadda uu ka tirsan yahay, ka dib markii ay todobaadkan Axsaabta mucaaradka ah iyo siyaasiyiin Madasha Wada-tashigu go’aan midaysan ka gaadheen waxa ay yeelayaan haddii doorashadu wakhtigeeda dib uga dhacdo.

SamaaleWasiir Samaale waxa uu xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiinta madasha Wada-tashiga ku tilmaamay siyaasiyiin guul-darraystay oo dariiq jid qaldan u maraya inay ku hantaan hoggaanka dalka looga taliyo, isaga oo ku dooday inaanay lahayn haykalkii ay majaraha ugu qaban lahaayeen hoggaaminta dalka.

Wasiirku waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay warbaahinta dawladda ugu warramayey Xafiiskiisa, isaga oo dhinaca kalena ka hadlay diyaar-garow ay xukuumaddu ugu jirto sidii ay u qaban lahaayeen doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sannadka soo socda.

Wasiirka oo ka jawaabayey dhaliilaha Mucaaradku ku dareen xukuumadda uu ka tirsan yahay, ayaa yidhi, “Qofku waxa loo baahan yahay waxa uu sheegayo inuu ku dhiso wax un ah, inuu hadal layska yidhi uun maaha. Hadday dhacdo in Wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyaddii 2015-ka oo hawshiisa ay hadda waddaa, ay ka soo bixi weydo doorashooyinkii, dawladda waa lagu dhaliili karaa, haddiise aanay jirin, waa dhaliil loo meel waayey, waa qof ceebayn iyo cambaareyn wada, waa qof xilkiisii garan-la’a oo qof xilkiisii gutay ceebaynaya.”

“Waxaan leeyahay xukuumadda way ka go’an tahay doorashadu, waa la arki doonaa miisaaniyadda. Dawladda inay ka go’an tahay doorashadaasi waa arrin ka go’an weeyi. Markaa waxaan isleeyahay qolada axsaabta mucaaradka ah waa hadalkoodii caadiga ahaa iyo qof kursi doonaya oo doorashada hala qabto, hala qabto oo (Doorashada) xilligeeda halagu qabto, xaqbay u leeyihiin, laakiin tiiyoo aanay wakhtigii gaadhin, tiiyoo dawladdu miisaaniyaddii ay ugu talo-gashay dejisay oo ay hadda miisaaniyaddii ka muuqato, waxa la sheegayo ee barobagaandada ah ee dadka lagu kicinayo ee beenta ah, waxaan leeyahay dadka halaga daayo, qofkuna hadalkiis ha u meel-dayo, ayaan leeyahay,” ayuu yidhi Md Samaale.

Samaale waxa uu si adag u difaacay madaxweynaha majaraha u haya xukuumadda uu ka tirsan yahay, waxaanu yidhi, “Qolada Madasha waxba ka odhan maayo. Waxa malaha qumanayd inay labada xisbi mid galaan oo dee kursi ay iyaguna doonaan, oo haddii ay kursiga doonayaan ama ay WADDANI galaan ama ay UCID galaan oo meel ay kursiga ka doonayaan, ay muuqato,laakiin xukuumadda aan wada duminno wax sax ah maaha; xukuumaddani waa xukuumad dimuqraaddi ku timi, waa xukuumad umadi dooratay, kalsoonidii shacbigay ku fadhidaa, boqolkii Konton ayuu helay madaxweynaha maanta fadhiyaa, waanad ogeydeen doorashadii taas ka horreysay siddeetan codbaa madaxweynaha la yidhi waa lagaaga helay oo siddeed sannadood ayuu sugayey. Isaga oo boqolkiiba Konton ka badan helay bulshadan codkeedii oo kalsoonidaas ku fadhiya, durbaanka beenta ah ee qof aan cod haysani tumayaa ama qof la dooran waayey tumayaa ama qof aan xisbiba ku jirin tumayaa, waa wax umaddu arkayso oo aan qiimo lahayn.”

“Annaga waxa lanagula xisaabtami karaa xilkaan umadda u hayno inaanu gudanno iyo in kale, waananu gudanaynaa inta Illaahay naga waafajiyo. Qolada Madasha waxaan leeyahay ku biira xisbiyada Qaranka oo meel ka gala, qolada mucaaradkana waxaan leeyahay suga wakhtigiinoo, dee dawladdii la doortaybaa wali wakhtigeedii taaganyahee, suga oo doorashadana u diyaar-garooba, haddaydaan doorashada diyaar u ahaynna, dee in la idinka helo sidii awalba loo heli jiray ka baqaysaana, durbaanka kale ee beenta ah daaya baan leeyahay,” ayuu yidhi Md Samaale.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu sheegay inay wasaarad ahaan si rasmi ah u gudo-galeen odoroska miisaaniyad sannadkeed 2015-ka oo uu sheegay inay si weyn uga dhex-muuqan doono kharashka doorashooyinka soo socda, taas oo uu sheegay inay golaha wakiillada u gudbin doonaan bisha tobnaad ee sannadkan.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories