HomeWasiir Samaale oo ka hadlay Shuruudaha uu ku aqbalay in uu Muuse...

Wasiir Samaale oo ka hadlay Shuruudaha uu ku aqbalay in uu Muuse Biixi uga hadho Guddoomiye-nimada KULMIYE iyo rejada uu ka qabo Hankiisa Madaxtinimo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa hoosta ka xariiqay in fagaaraha Ragga immika shaaciyey damacooda iyo kuwo kale oo soo bixi doonaa-ba ku kala hadhi doonaan in uu yahay Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, oo dhammaan Shacabka Somaliland ka kooban, isla markaana inay cid gaari ka hadasho ama farageliso, tahay waxaan Midnimada Somaliland, Midnimada Xisbiga, Midnimada reeraha iyo nidaamka dimuquraadiyaddda toona aan u fiicnayn.

SAMAALEWasiir Cabdicasiis Samaale oo wareysi dhinacyo badan taabanaya uu la yeeshay Weriye Maxamuud Walaaleye oo Wargeyska HIMILO ka tirsan, ayaa wuxu waraysigan ku sheegay inuu shuruudo ku aqbalay, taladii Madaxweyne Siilanyo iyo Wax-garadka Somaliland kaga codsadeen inuu jagada Guddoomiyennimada Xisbiga KULMIYE uga hadho Walaalkii Muuse Biixi Cabdi oo hadda ah Guddoomiyaha Xisbigaas, ay ahayd inaan mar dambe hankiisa Madaxtinnimada dalka uu leeyahay la odhan ka hadh, halka lagu kala baxayaana  tahay Golaha dhexe ee Xisbiga, isla markaana waxa uu soo jeediyey Samaale in qofka Golaha dhexe ka baqaya ee aan kalsooni inuu ku soo baxayo ka qabin ay u fiican tahay inuu tartanka iska daayo.

Mar la weydiiyey Wasiir Samaale sababta reeruhu u dhexgalaan arrimaha Xisbiyada iyo sida uu u arko waxa uu yidhi; “Somaliland muddo dheer immika waxay ku soo dhaqmay nidaamka Xisbiyada badan, waa nidaamka Xisbiyadu ku soo baxaan, ee Siyaasiyiinta hanka leh ku soo baxaan. Saddexda Xisbi ee maanta dalka ka jira KULMIYE, UCID iyo WADDANI waa Asxaab Qaran, Xisbi uu reer leeyahay ma jiro, Xisbi walba ummadda Somaliland dhammaanteed way ku wada jiraan. Waxa reebban oo Siyaasadda Qarankeenna ka reebban inuu Xisbi reer noqdo, beelaha oo dhan Xisbiga Kulmiye way ku jiraan, beel gaar u sheegan kartaa ma jirto, horena beel u sheegan jirtay ma jirin. Xisbiga KULMIYE waa Xisbi ballaadhan oo ummadda reer Somaliland dhammanateed ku jirto.”

“Xisbiga KULMIYE waxa aasaasay Madaxweyne Qaranka Somaliland maanta Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaan ka mid ahaa dadkii koobnaa ee Madaxweynaha la aasaasay Xisbigaa, dadka kale ee aasaaska ka qeybqaatay maanta Xisbiyada kale ayey ku jiraan, waxa kale oo jira Rag Ururradii dhacay ku jiray oo maanta Xisbiga Rag waaweyn ka ah. Xisbiga KULMIYE intuu dhisnaa dadkii damaca iyo hanka Madaxtinnimada dalka lahaa ayaan ka mid ahaa, waxaan soo noqday Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka (Wakiillada, Illaahay wuu igu soo guuleeyey, maantana waxaan ahay Wasiirka Maaliyadda, Berri ka maalinna waxaan doonayaa inaan kursiga ugu sarreeya Qaranka haddii Illaahay ii suurtageliyo aan gaadho, anigoo u maraya waddadda sharciga ah ee loo maro oo Xisbiga gudahiisa ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Sidoo kale, Wasiir Samaale oo ka jawaabayey sifihii uu hore ugaga hadhay tartankii Guddoomiyennimada Xisbiga KULMIYE iyo inay jireen shuruudo uu ku xidhay, waxa uu yidhi; “Maanta Madaxweyne Siilaanyo ayaa ah Musharraxa Xisbiga Kulmiye, shanta sannadood ee soo socota, isaganan ku dhisanaynaa, sidaan aniga iyo Rag saaxiibbaday ah marar badan oo hore u sheegnay. Madaxweyne Siilaanyo dabadii dadka damaca iyo dumuuxa kursiga koowaad ee dalka leh ayaan ku jiraa, qofkastoo damacaa, dumuuxaa iyo hankaa lehna meeshuu ka soo baxayo ee ku guulaysanayo ama ku guul-darraysanayo waa Golaha dhexe ee Xisbiga. Meesha Ragga immika shaaciyey damacooda iyo kuwo kale oo soo bixi doonaaba ku kala hadhi doonaan waa Golaha dhexe Xisbiga KULMIYE, Golahaa dhexena reer ma laha ee dhammaan shacabka Somaliland ayuu ka kooban yahay. Awood Golaha dhexe leeyahay, awood Xisbiga KULMIYE leeyahay, awood dhammaan ummadda gobollada Somaliland dhammaantood leedahay, inay cid gaar ahi ka hadasho ama farageliso, waa wax aan midnimada Somaliland, midnimada Xisbiga iyo midnimada reerkaba aan u fiicnayn.”

HALKAN GUJI SI AAD U AKHRIDO WARKA OO INTAN KA FAAHFAAHSAN

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories