HomeWasiir Sacad oo ka warramay Ubucda Khilaaf Hakad-geliiyey Waxbarashada Jaamacadda Hargeysa oo...

Wasiir Sacad oo ka warramay Ubucda Khilaaf Hakad-geliiyey Waxbarashada Jaamacadda Hargeysa oo maanta Dib loo furay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Sacad Cali Shire
Sacad Cali Shire

Hargeysa (SLpost)- Jaamacadda magaalada Hargeysa, ayaa maanta dib loo furay, waxaana si rasmi ah u bilaaban tahay waxbarashadii, iyadoo macalimiintii iyo Ardaydii Jaamacadd, muddo laba todobaad ah kaddib oo jaamacaddu u xidhanayd khilaaf soo kala dhex-galay maamulka iyo macalimiinta jaamacaddaas oo markii dambe sababtay rabshad khasaare sababtay oo ardayda qarkood ka geysteen Jaamacadda.

Go’aanka maanta dib loogu furay Jaamacadda Hargeysa, ayaa ka dambeeyey kaddib markii ay Guddiga Sare ee Jaamacaddu go’aamo lix qodob ka kooban ka soo saareen khilaafkaas, waxaana go’aamadaas lagu gaadhay in shaqada laga eryo laba macalin rabshadaha ardaydu sameeyeen lagu edeeyey inay ka dambeeyeen kuwaas oo kala ah Axmed Maxamed Cadaad oo ah hormuudka kuliyadda Sayniska iyo Tiknoolajiyadda iyo Prof Keyse Cali Geeddi oo ah hormuudka Kuliyadda Dhaqaalaha iyo Ganacsiga. Sidoo kale waxay Guddiga Sare ee Jaamacaddu si ku-meel gaadh ah guddoomiye ugu magacaabeen Wasiir ku-xigeenkii hore ee Caafimaadka xukuumaddii UDUB, Cismaan Buuri, kaddib markii guddigu aqbaleen is-casilaad ay hore ugu gudbiyeen maamulkii jaamacaddaas oo si ku meel-gaadh ah u sii hayey xilkaas.

Arday ka tirsan Jaamacadda Hargeysa oo lagu xidhiidhiyey inay gacan saar la leeyihiin macalimiin khilaaf ka dhexeeyey maamulkii jaamacada Hargeysa, ayaa 27-kii bishii hore oo jaamacaddu diyaarinaysay imtixaan laga qadayo arday, ayaa weeraray ku hujuumay jaamacadda, waxaanay khasaare u gesteen dhismaha iyo gaadiid dhex-yaallay xarunta jaamacadda, waxaanay arrintaasi sababtay in jaamacadda la xidho. Macalimiinta rabshadaha ardaydu sameeyeen lala xidhiidhiyey oo warbaahinta la hadlay, ayaa iyaguna masuuliyadda rabshadahaas isaga riixay Guddiga Sare ee Jaamacadda Hargeysa, iyagoo sheegay inay maamulka sare ee jaamacadda ku taageereen musuq-maasuq iyo qaraabo-kiil ay ku eedeeyey oo sababtay khilaafka dhexmaray.

Halkan ka daawo hadalka wasiirka.

https://youtu.be/TfLW3ah27R0

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories