HomeWasiir SAAJIN oo Rejo ka muujiyey Inuu ku guulaysto Kursiga Kulmiye ee...

Wasiir SAAJIN oo Rejo ka muujiyey Inuu ku guulaysto Kursiga Kulmiye ee SAYLICI ku fadhiyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa ka hadlay hankiisa musharraxnimo, rejada uu ka qabo tartan uu ugu jiro Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye.

Wasiir Saajin wuxuu sheegay inuu sheegay inuu buuxiyey Shuruudihii looga baahnaa Musharrax u ordaya kuraasta Hoggaanka Xisbiga Kulmiye, sidaasi darteed uu u rejo ka qabo inuu ku guulaysto xilka Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga Kulmiye oo uu hadda ku fadhiyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaa Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

blankSida aanu ka soo xigannay Wargeyska Geeska Afrika oo xog-waraysi la yeeshay, wasiir Saajin ayaa beeniyey hadal uu Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ku sheegay inaan Wasiir Saajin Xisbiga Kulmiye ka mid ahayn muddo gaadhaysa 5 sanadood, sidaasi darteedna aanu xaq u lahayn inuu u tartamo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye, waxaanu yidhi, “Anigu Maxamuud Xaashi Xisbiga ima soo galin, markii ay Abu Dubai yimaaddeena waan ku jiray Xisbiga oo Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ogaa  inaan Xisbiga ku jiray, ololaha oo qudhana Xisbi laguma soo galo ee hore ayaan uga tirsanaa, markii dambana waan ololeeyey, sidaas darteed Maxamuud Xaashi waxaan waxba ka jirin ayuu sheegay ee ha ka fiirsado waxyaabaha uu ku hadlayo.”

Wasiir Saajin wuxuu sheegay haddii aanu Xisbiga ka mid ahayn muddo dheer uu ku hadhi lahaa shuruuddii loo dhigay Musharraxiinta u tartamaya Hoggaanka Xisbiga, laakiin maaddaama oo uu muddo dheer ku jiray uu xaq u yeeshay uu tartamayaasha ka mid noqdo  “Xisbiga Kulmiye wuxuu leeyahay Xeerar, shuruuc iyo sharci la raaco, haddii aanan buuxin lahayna Xeerka Xisbiga ayaaba i reebi lahaa, sidaas oo ay tahay waan buuxiyey Shuruudihii la igu xidhay”.

Wasiirka oo Wargeyska Afrika waydiiyey rejada uu ka qabo inuu ku guulaysto Kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga Kulmiye oo uu hadda ku fadhiyo Madaxweyne ku-xigeenku ayaa ku jawaabay “Wax walba gacanta ILLAAHAY ayay ku jiraan, wixii soo socdana ILLAAHAY ayaa og, laakiin rejo aad u fiican baan qabaa, insha allaahna waan guulaysan doonaa,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Saajin.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories