HomeWasiir Maxamuud Xaashi oo Jaaliyadda Sacuudiga ugu baaqay inay u Midoobaan Horumarinta...

Wasiir Maxamuud Xaashi oo Jaaliyadda Sacuudiga ugu baaqay inay u Midoobaan Horumarinta Somaliland.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

maxammuud xaashiJeddah (SLpost)- Wasiirka Madaxtooyada JSL, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Sacuudigu horumar balaadhan gaadhsiin karaa horumarinta xidhiidhka labada wadan, taageerooyin badana ku heli karo dalkeena, hadii ay wadajir ugu hawlgalaan.

Wasiir Maxamuud Cabdi iyo wefdi la socday oo socdaal ku jooga dalka Sacuudiga, ka dib markii ay soo guteen waajibaadkii Xajka, oo kulan kula yeeshay magaalada Jeddah Jaaliyada Somaliland ee ku nool shalay ayaa yidhi,

“Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilanyo markii ay xilka qabatay ma jirin xidhiidh Somaliland la lahayd wadamadda Carabta. Xidhiidhkii dawladaha Carabta ayaan kor u qaadnay. Xidhiidhkii dawladaha Afrikaanka waan sii kordhinay ee jiray iyo kuwii Yurub iyo Waqooyiga Ameerika.

Wasiir Xaashi ayaa ugu baaqay Jaaliyadda Reer Somaliland ee ku nool dalka Sacuudiga inay u midoobaan horumarinta noloshooda iyo danta dalkooda, waxaanu yidhi,

“Halkan Jaaliyad xoog-leh ayaad tihiin, hadii intiinan wada shaqeysaan iyo inta idinka maqan, wax weyn ayeynu meesha ka helaynaa. Mucaawinooyinka ha noqoto, Ururada Samo-falka ha noqoto, Cilaaqaadka siyaasiga ha noqoto, kuwa Ganacsiga ha noqoto, waxaan odhan lahaa isku-biira aqoon iyo waaya-aragnimo waad leedahiine, waxa idinka maqan keliya, sidaan u malaynayno, ururka, tabantaabada, tabaabushaha iyo Tawfiiqda, Ilaahay ha idin waafajiyo.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa u caddeeyey Jaaliyadda Sacuudiga in buuqa laga soo sheego hawlaha Dekeda Berbera yihiin dacaayado, waxaanu yidhi,

“Arrinka Dekeda Berbera ood la socotaan in lagu wareejiyey shirkada DP World, buuqa laga soo sheego dacaayad bay ahayd waad u jeedaan iyo warkaasi aanu war sax ah ahayn, dad Muslimiin ah ayeynu nahay, saraaxada iyo runtu waa wax wanaagsan, DP World waxaan dekeda ugu wareeginay inaan wax korodhsano, dalkana maanu xaraashayn, ummadana maanu rahmin, Ilaahayna nama badin, inaan ummadan wax u kordhino ayey ahayd” Ayuu sheegay. Isagoo hadalkiisa sii wata waxuu raaciyey.

“Qarankan Somaliland saddex sannadood gudahii inuu noqdo Qaran ganacsi weyn la leh wadamadda Itoobiya kow ka tahay, wax geyn kara, oo ka ganacsada oo adeegyadii soo celiya, hoos-u-dhaca ganacsi (trade deficit)-ka aynu ku jirno, aragtidaa mid sax ah ayaan u aragnay.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiska Somaliland la gashay shirkada DP World yahay mid anfaci doona dalka iyo dalka, waxaanu yidhi,

“Heshiiska aynu la galay shirkada DP World, waxaan u aragna oo aaminsan nahay inuu yahay heshiis taariikhi ah oo lafta, qodaxda iyo shillinta laga idleeyey.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories