Home"Wasiir Maxamud Xaashow Saxaafaddu iyaddaa Ka Mujaahidsan, Shalay Waadigii Qoriga SNM Kala...

“Wasiir Maxamud Xaashow Saxaafaddu iyaddaa Ka Mujaahidsan, Shalay Waadigii Qoriga SNM Kala Baxsaday Ee Faqashta U Galay” Warsaxaafadeed Ururka SECJA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SL.Pots) Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SECJA) isagoo tixraacaya weedhihii iskugu jiray cago-juglaynta iyo han-jabaadda ee Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi Warbaahinta Madaxabanaan la bartilmaameedsaday. Waxa uu marka hore ka xun yahay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SECJA, weedhaha Digteeternimada tilmaamaya ee Wasiirku lasoo hor istaagay Shacab-weynaha Somaliland ee ka sugaayey inuu uga warbixiyo heshiiskii ay xubnaha uu kamid ahaa qaranka u metelaayeen, isla markaana Shirkadda Dp World kula soo galeen dalka Imaaraadka Carabta, kaasoonu Wasiirku shar iyo Khayr midna Bulshada uga sheegin waxa uu ku saabsana iyo Faa’iidada uu leeyahay.

 

xaashi

 

 

Waxa’se ayaan darro weyn ah in Wasiirka Madaxtooyaddu Md. Maxamuud Xaashi uu bulshada maqashiiyo hadallo naxli iyo cuqdi xambaarsan, kuwaasoo aanay Siyaasiyiinta Xilalka hayaa isticmaalin 25-kii Sanadood ee Somaliland jirtay. Weedhaha Wasiirka afkiisa kasoo baxaayey waxay tilmaamayaan in Somaliland ka guurtay Nidaamkii Dimuquraadiga ahaa ee Dastuur keena ku qornaa, hadalka wasiirku waxa uu tilmaamaya in Xukuumadda uu ka tirsan yahay damacsan tahay cidhib-tirka Xoriyatul-qawlka iyo madaxbanaanidiisa, iyo sidoo kale, xoriyadda shacabka Somaliland ee ah inay fikirkooda si xor ah oo aanay habrasho ku jirin uga dhiibtaan xaaladdaha dalka ka taagan.

 

Haddaba, Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu Ururka Saxaafadda Somaliland ee Secja si cad ugu sheegayaa in Dastuurka Somaliland u yaala uu Saxaafadda u Damaanad qaaday inay Bulshada usoo gudbiso dhacdooyinka maalin-laha ah ee dalka ka dhacaaya, kuwaasoo iskugu jira soo tebinta Wararka Xukuumadda waxbaadkeeda iyo dhaliisheeda, daba-galka Musuq-maasuga shaqsiyaadka Xilalka hayaa. Sida daraadeedna Saxaafadda dalku, iyadoo ku shaqaynaysaa Shurucda dalka aanay hanjabadiisa ku joojinayn shaqada mutadawacnimada ah ee ay u hayaan Shacabka Somaliland.

 

Wasiir Maxamuud Xaashi waxanu ku sheegaynaa Inay Saxaafadda Somaliland kaga lexo jeclo badan tahay dhismaha Qaranka Somaliland, dhisidiisa mooye dumintiisa kama shaqayso, wasiir ogow Saxaafadda dalku waxay si toos ah Toosh afar Xanjaar-leh ah shacabka ugu baahinaysaa maamul xumada iyo Musuq-maasuqa dalka ka jira, waxanay ku ifinaysaa adiga oo miidhan oo Mansabkii Qaranka uga faa’ideysanaaya danahaagga gaarka ah. Wasiir Maxamuudow shalay markaad mucaaridka ahayd ee aad Baarlamaanka dalka kamid ahayd, miyaad ilowday waxyaabihii qaranimada duminaayey ee aad Saxaafadda kusoo bandhigaysay, cidina aanay habeen keliya kugu xidhin, kugulana xisaab-tamin. Sidoo kale, Wasiir miyaad ilowday shalay Xisbiga Kulmiye ee aad ka faa’iday markuu Mucaaridka ahaa waxyaabihii uu baahin jiray iyo abaalkay Idiin gashay Saxaafaddu.

 

Gunti iyo gabo-gabadii, Saxaafadda Somaliland joojin mayso baahinta dhaliishada iyo ta Xukuumadda, sidoo kalena joojin mayso baahinta horumarka iyo dhismaha Qaranka Somaliland, waxa kaloo aad oggaata Wasiir dhaliisha Saxaafaddu qori dal lagu haysto maaha, ee waa qalin, qalinkuna waxa uu saxa khaladkaaga, waxana ku wanaagsan inaad ka garowdo Gunti xumaanta aad dalka ugu shaqaynayso oo aad saxdid khaladaadka maamul ee aad ku kacday, Wasiir Saxaafaddu cadow maha ee waa nasteex, tubta toosan kugu hagta, markaa waxaan kugu waaninaynaa inaanad u arag Cadow cunaha kaaga duuban. Sidoo kale, Wasiir ogow Saxaafaddu iyadda ayaa ka Mujaahidsan, shalay markii dib-u-xoraynta dalka duurka loogu jiray, waxaad kamid ahayd shaqsiyaadkii Qoriga SNM kala soo baxsaday ee Faqashta usoo galay ee weliba Sirtii SNM siiyey, xiligii uu Madaxweyne Siilaanyo inagu hoggaaminaayey halkankii SNM.

 

 

Alla mahad leh

Gudoomiye Ku-xigeenka Ururka Saxaafadda Somaliland ee Secja.

Axmed Muuse (Sakaaro).

Hargeysa Office.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories