HomeWasiir Maxamed Kaahin oo Xadhigga ka Jaray Xarunta Ciidanka Dab-demiska Gabiley

Wasiir Maxamed Kaahin oo Xadhigga ka Jaray Xarunta Ciidanka Dab-demiska Gabiley

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Gabiley (SLpost)- afti uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Hawlaha Guud iyo Wasiirka Isgaadhsiinta ayaa maanta Xadhiga ka jaray Dhismaha ay yeelan doonto Xarunta Ciidanka Dab-demiska ee Gabiley.

Ugu horayn Cutubyo ka tirsan Ciidanka ayaa halkaa salaan ku siiyay Waftiga uu hogaaminayay Wasiirku, taas oo wasiirkuna ku qaatay salaanta intaa kadib Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo Waftiga soo dhaweeyay ayaa ka warbixiyay Marxaladihii uu soo maray Mashruucani, waxaanuu halkaa uga Mahadnaqay Maamulka Gobolka iyo ka Degmada, gaar ahaan Duqa Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, Badhasaabka iyo Xoghayaha Degmada oo kaalin weyn ka geystay Dhismaha Xarunta.

Sidoo kale wuxuu Taliyuhu tilmaamay in dhismahani wax ka badan ka tari doono baahida loo Qabo Dab-demis dhamaystiran oo ay yeelato Degmada Gabiley isla markaana uu noqon doono wax weyn oo Qaranku ku faano. Taliyaha ayaa ugu dambayn wasiirka warbixin ka siiyay Hawlgalada ciidanku galay muddadii uu jiray taasoo noqonaysa 3,373 Hawlgal oo isku jiray gurmad Dab, Samatabixin, Badbaadooyin iyo Hawlgalo kale.

blankDuqa Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo isaguna halkaa ka hadlay Mashruucan iyo kaalintay ka geysteen, isagoo sheegay in Dhismaha Xarunta , Gunnada Xubnaha Ciidanka,Iidaanka iyo Shidaalka Gaadiidka Dawlada Hoose Gabiley kaalin muuqata ka qaataan. Iyadoo dhanka kale ciidanka uga mahadnaqay shaqada culus ee ay Gobolka u hayaan.

Ugu dambayn Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ugu horayn u mahadnaqay Ciidanka iyo Maamulka Gobolka isagoo xusay in Dhamaan Qalabka iyo Horumarinta Ciidamada Dab-demiska ee Gobolada iyo Degmooyinka Xukuumada aanay cid kale ka caawin ee laga sameeyay Miisaaniyada Qaranka. Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay in Ciidanka Dab-demisku sameeyeen hawlgalo layaab leh oo ay ku jiraan in Ciidanku Ilmo yar iyo Laba Bissadood ka soo saareen Musqul.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sheegay in Qorshayaasha iyo Hiigsiga Ciidanka Dab-demiska kaalin weyn ka geysan doonaan, iyadoo ciidanku kaalin muhiima kaga jiro guud ahaan Qaranka Somaliland.
Gabagabedadii waxaa wasiirka, Taliyaha Ciidanka iyo Maamulka Degmadu xadhiga ka jareen xarunta Ciidanka Dab-demiska ee Gabiley taasoo si rasmiya u noqon doonto xarunta ay ku hawlgeli doonaan Ciidankaasi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories