HomeWasiir Maxamed Bixi Yonis: Nin la dhawrayaad tahay, waana lagaa dhur Sugayaa...

Wasiir Maxamed Bixi Yonis: Nin la dhawrayaad tahay, waana lagaa dhur Sugayaa – W/Q: Rooble Cabdi Muuse

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

RoobleBisinka ALLE iyo Salaan kadib waxaan aan qalinka iyo dawaada u holaday in aan Hambalyo, Duco iyo Taloba u diro wasiirka cusub ee arimaha dibada Somaliland Mudane. Maxamed Biixi Yoonis, Shaqsi ahaan waxaa uu ila muuqda in uu yahay qof ku sax ah xilka loo magacaabay lehna karti iyo aqoon, magacna ku leh oo meel sare ka gaadhay Qaramada Midoobay iyo Bangiga Horumarinta Africa, oo labudaba ahmiyad gaara u leh Somaliland. Waa aqoonyahan ku xeel cilmiga siyaada iyo xidhiidhka caalamiga ah ka qalin jabiyay Jamacada aduunka ugu magaca dheer ee Harvard kana Diyaariyaya Shahaada (Masters in international Relations, political Science and Public Relations Management). Kana mida raga Soomaaliyeed ee kaalmaha ugu sareeya ka gaadhay hawla cawida iyo iskaashiga caalamiga ah.

Guusha iyo karti waxqabadka masuulkasta waxaa sargooya oo sal iyo asaasba u ah, aqoonta iyo khibrad shaqo oo la xidhiidhi hawsha qofku uu gardaadinayo, nasiib wanaag Maxamed Biixi labadaba waa uu koobsaday, sidaa darteen filashada iyo Rajada horumarineed ee aan ku qabnaa waa mid aad u saraysa. Alena waxaan uga baryayaa in uu u fududeeyo guul wax ku ool ahna ka gaadho.

Waxaa kale oo muhiim ah xusidna mudan in magaabista Maxamed Biixi ku soo beegmayso xili xasaasi ah oo Somaliland ay wada hadalo iyo gorgortan kula jirto Somaliya, dhaliilona iyo tabasho badana ka jirto dhanka wasaarada arimaha dibada, loona baahnaa siyaasad miirqabta oo taxadir badan ka muuqdo, xeeldheer, oo aan dhacdada ku baraarugin, aragtideeduna ahayn gurgur qaanso ee daaqsin geel falkeeda iyo falaadkeba gaadhsan yahay.

Ka sokaw hambalyadaa waxaan jeclaa in wasiirka kula taliyo oo timaamo dhawr arimood oo aan tabayo kuna dhaliilo wasiirkii isaga ka horeeyay oo aan arigtaan aminsanahay in ay god daloolo iyo dhabar jab ku yihiin siyaada arimaha dibada ee Somaliland, anigoo aqoonsan farqiga aqooneed iyo khibrada ee noo dhaxeeya wasiirka hadan Nin tashay ma tamar yaree,waxay aniga ila tahay, in loo bahan yahay:

  • Diyaarinta Qorshe siyasadeed: Wasaarada Arimaha dibada Somaliland ma laha qorshe siyaadeed cad oo ay raacdo sida uu wasiirkii hore (Maxamed Cabdilahi Cumar) dhawr jeer ku khudbadeeyayna waxay kolba ka hawlgalaan wajiga siyaada calamku utaal. Rutii taasi waxay ahayd dhabar jabka iyo godalooladii ugu waynayd ee wasiirkii hore iyada oo dhawr jeer kolba usoo sari jiray maqaalo iyo baaqyo kala duwan, Sida shirkaa wanu ka qaybgalayna, ka qayb gali mayni hadana waan ka qayb galaynaa iyo arimo lanooca. Hadaba si looga talaabsado baxaa dega iyo gabidhaclayntii cadada u hayd Maxamed Cabdilahi wasiirku waa inoo samayee siyaasad jaangoyn iyo itijaah cad leh.
  • Daahfuristan dariiq darban: Daah furista daariiqyada loo marikaro, aqoonsi buuxa ama ugu yaraan isgaashi gaara oo ay Somaliland la yeelato calaamaka, waxaan wasiirka cusub isaga oo adeegsanaya aqoontiisa, khibradiisa iyo xidhiidhkiisa qotada dheer ee uu la leeyahay beesha caalamka laga filaayaa loogana fadhiyaa in uu daah furo adeegsadana siyaada hufan oo Somaliland uu kaga gado beesha calaamka, helona dariiq ka hawl yar lakiin ka hiil hoo ba badan kii aynu hore u haynay.
  • Bandhigid Hufan: xoojinta soo bandhigida iyo hufida sharaxaada qadiyada Somaliland, adkaynta qodobada salka iyo shariyada ee Somalialnd u haysto mabda gooni isku taaga. Waxaa loo baahan yahay in boodhka laga qabfo oo calamka loo bandhiga sababaha salka u ah iyo Shaciyada goosashada Somaliland, meel adagna la iska taago.
  • Isu lifaaqa tariikhda iyo doorka manta:Isku xidhka taariikhda iyo ahmiyada siyaasadeeed ee Somaliland u yeelen karto beesha calamka. Siyaasada waxaa lagu yaqanaa shay si bedbedal badan waxaana inta badan lagu sargooyo danaha ay dawladahu leeyahiin mana jiro sharci cad iyo maxkad ka garsoorta siyaasada arimaha dibada ee kolba danta aad abuurto iyo deegaanka soo dhawayneed ee aad siiso beesha calamka, ayaa kuu gadaya qiimaynta iyo majliska lagaa siinayo siyaasda caalamiga ah. Sidaa darted wasiirka waxaa looga fadhiyaa in uu beesha calamka u bandhigo ahmiya Somaliland u leedahay abuurona ku tiirsanaansho iyo baahi uu calamku ka yeesho Somaliland.
  • Kala saarida hawlaha Arimaha dibada iyo ganacsiga: waxaa cado ahayd in wasiirkii hore Maxamed Cabdilaahi aad u jeclaa ka qayb gelida shirarka lagu qabto dalka dibadiisa waxii la rabo halagaga hadlee waxaa ugu danbeeyay shirkii maal gashiga ee Nariobi oo uu wasiirku ka qayb galay yadoo loo baahnaa in wasiirka ganacsiga iyo ganacsato la diro. Markaa wasiirka waxaan u soo jeedinlahaa aanu isku darain hawlaha siyaasadeed iyo kuwa kale ee uu waliba kobcin iyo korqaadis ku sameeyo wasaaradaha kale.
  • Xoojinta xaafiisyada dibada (Safaaradaha): inkasta oo aan Somaliland la aqoonsan, lahayna safaarado buuxa hadana waxaa jiro in xafiisyo ganacsi iyo kuwa danaha Somaliland u adeego ka furan yahiin dalal badan oo aduunka ah.  Markaa xoojinta iyo tayo galinta xafiisyada dibadu waxaa ay sare u qaadi kartaa qadiyada Somaliland oo ay uga faa’iidayn karto dawladaha, ganacsata, jaamacadaha iyo dadka dalalka ay ka furanyahiin, in ay si buuxada u fahmaan, xog ka helaan furtana fursdao maalgashi iyo cilmi baadhis oo ku waajahan somalialand kuwaas oo dhamaan dalkana anfacaya waxtar wax ku ool ahna keenaya.
  • Wada Tashi iyo adeegsiga aqoonta: Adeegsiga iyo ka faa’iidaysiga dadka aqoonta iyo khibrada u leh arimaha siyaadada caalamiga ah, la tashigoodo iyo ka dood fursad siintu waxaa ay si mugleh uga qayb qaadan kartaa adkaynta iyo hirgalinta siyaasad hufan oo la wadaago kolba sadaasha iyo irmaanta siyaasada.
  • Xoojinta xidhiidhyada jira:waxaa beryahii u danbeeyay muuqday in xidhiidhka dublamaasiyadeed oo u dhaxeeya Somaliland, Ethopia iyo England uu soo wiiqmayay yagaoo labadaa ah kuwa inoogu dhaw uguna tiirsanaansho badnayun caalamka, waxaa wasiirka cuusb laga filayaa adkaynta, xoojinta iyo ka faa’iidaynta xidhiidhada jira.
  • Feejiyo iyo faalin: Sida aan hore kusoo xusay xaalada siyaasadeed ee dalku haatan marayo waaxaa ay u baahan tahay feejigo iyo faalin buuxda oo ku salaysan xidhiidhka iyo danaha shisheeya. Sida aynu kawada warqabno wasiirkii hore aqoonta iyo cilmiga badana waxaa uu marqudha ku ambabaray baaqii dawlada Ingiriis xagii ay ka ahayn in uu ka hor tago horana ka ogaado. Markaa Wasiir maxamed Biixi waxaa laga sugayaa feejigo iyo faalin fog oo aad u xeel dheer.

Anigoo aad ugu faraxsan wasiirka cusub iyo taxaniisa shaqo oo ah mid inoo balan qaadi kara waxqabad iyo tayo galin siyaasada arimaha dibada. Waxaan leeyahay wasiir waa lagu filayaa ee falsan:

Rooble Cabdi Muse

berisamaad@ymail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories