HomeWasiir Maxamed Biixi oo ka Qaybgalay shirweynaha 25aad ee Golaha Dhaqaaalaha Adduunka...

Wasiir Maxamed Biixi oo ka Qaybgalay shirweynaha 25aad ee Golaha Dhaqaaalaha Adduunka oo maanta Furmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Cape Town (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa ka qayb-galay shirweynaha 25aad ee Golaha Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum) oo maanta ka furmay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, kaas oo ay ka qayb-galayaan in ka badan 250 ergay oo isugu jira Ganacsato, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, bulshada rayidka ah iyo warbaahin ka kala socota 75 Waddan oo adduunka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo shalay gelinkii dambe ka dagay magaalada Cape Town ee dalkaas, ayaa shirkan ka qayb-galaya kaddib markii uu soo dhammaystay socdaal uu maalmihii u dambeeyey ku joogay waddamada Galbeedka Afrika gaar ahaan dalka Sierra Leone oo uu kaga qayb-galay shir-sannadeedka Baanka Horumarinta Afrika.

IMG_1781Sidaasna waxa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, kaas oo lagaga hadlay muhiimadda ka-qayb-galka shirkani u leeyahay Somaliland, waxaana lagu yidhi, “Ujeedada safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Maxamed Biixi Yoonis ee Koonfur Afrika ayaa la xidhiidha Shirka 25aad ee Dhaqaalaha Adduunka (25th World Economic Forum) oo dalkaasi martigeliyay, kana dhacaya magaalada Cape Town 3-5-ta bisha June laguna martiqaaday dawladda Somaliland. Shirkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay shirkii ugu weynaa ee noociisa ah ee lagu qabto gobolka, waxana ka soo qaybgalaya inka badan 90 wasiiro, saraakiil sarsare iyo hoggaamiyayaal kala duwan, 83 shirkado ganacsi waaweyn oo caalami ah iyo dhinacyo kale oo guud ahaan ku metelaya 75 waddan.

Shirkan oo halku dheggiisa loo qaatay “Horraysiyo Dambaysaba: Malee Mustaqbalka Afrika” (Then and Now: Imagining Africa’s Future) ayaa lagaga hadli doonaa halkay gaadhay qaaraddu dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba intii ka dambaysay 1990-kii iyo sidoo kale iyadoo la kaashanayo waaya aragnimada, hal-abuurnimada iyo khayraadka daneeyayaasha oo kala duwan sida wajahi karo horumar buuxa, lagana gudbi karo caqabadaha jira.

Shirkan ayaa aad diirada u saaraya horumarinta ganacsiga iyo hannaanka iskaashiga/isku xidhka xagga dhaqaalaha ee qaaradda Afrika. Waxa ka mid ah qodobada lagu lafa guri doono sidii wax looga qaban lahaa arrimaha tahriibka iyo la dagaalanka argagixisada oo saamayn ku leh dhaqaalaha Afrika

IMG_1777Ka qaybgalka shirkan iyo guud ahaan safarada shaqo ee Wasiirka Arrimaha Dibaddu ku gudo jiro todobaadadii u dambeeyay ayaa qayb ka ah dadaalka xoogan ee xukuumadda Somaliland ugu jirto xoojinta iyo kor u qaadida siyaasadda arrimaha dibadda dalka Somaliland ee kasbashada xidhiidhka iyo iskaashiga wadamada iyo jilayaasha dunida, horumarinta qadiyadda madaxbannaanida JSL iyo ictiraaf raadinta, soo jiidashada maalgashiga iyo taageerada caalamka ee dhinacyada kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga, arrimaha bulshada, nabadgelyada iwm.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo shalay gelinkii dambe ka dagay magaalada Cape Town, waxa ku weheliyay safarkiisa la-taliyihiisa gaarka ah Nimco Cilmi, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Cape Town ku qaabilay Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Koonfur Afrika Keyse Mursal iyo Xubno ka tirsan Jaaliyadda magaalada Cape Town.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories