HomeWasiir Mansab/Hanti umaddeed ugu ololeynaya Hanashada Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye

Wasiir Mansab/Hanti umaddeed ugu ololeynaya Hanashada Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta munaasibad qado-sharaf ah oo uu Odayaasha iyo waxgaradka Beeshiisa [Sacad Muuse] ugu sameeyay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa kaga dhawaaqay inuu isu soo taagayo mansabka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE marka la gaadho shirweynaha xisbigaasi oo qabsoomaya bisha saddexaad ee sannadkan.

Md Samaale oo hanka xilka guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo ololaha uu ku kasbanayo bilaabay isaga oo gacanta ku haya mansab dawladeed iyo xoolo-umadeed, ayaa munaasibaddan ku soo casuumay ardaayada Beesha Sacad Muuse, isaga oo ka dalbaday inay ku taageeraan guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye.

SamaaleMarti-qaadka Wasiir Samaale u sameeyey Beesha Sacad Muuse, ayaa ku soo beegmay labada maalmood ka dib markii munaasibad noocan oo kale uu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Hargeysa ugu sameeyey Odayaasha Beesha maanta uu marti-qaaday wasiir Samaale.

In kasta oo aan la saadaal karin biyo-shubka loollanka xisbiga Kulmiye ee wakhtigan ka dhexbilaabmay Wasiirka Samaale iyo Guddoomiye Muuse Biixi, haddana waxa aan la dafiri karin doorka waayo-aragnimada hoggaaminta Kulmiye iyo xubnaha ku jira Goluhu ku leedahay hanashada guddoomiye-nimada Xisbigaas, wallow ay jiri karto taageero lagu kala badan yahay dhinaca xubnaha xisbiga ee mansabyada kala duwan ka haya xukuumadda.

Libaan Xaaji

Somalilandpost.net

London, UK/Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories