HomeWasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga oo Xorriyaddiisa loo soo celiyey iyo Asbaabaha...

Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga oo Xorriyaddiisa loo soo celiyey iyo Asbaabaha lala xidhiidhiyey sii-dayntiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor, ayaa maanta xorriyaddiisa dib loogu soo celiyey, kaddib muddo dhowr bilood ah xabsiga Dhexe ee Hargeysa xukun dhowr sanno ah oo Maxkamadda gobolka Hargeysa ka soo saartay dacwad Xukuumaddu ku oogtay.

SACabdilaahi Abokor, ayaa xukuumaddu Xabsiga u taxaabtay badhtamaha sannadkii hore, ka dib markii ciidamo hubaysan wakhti habeennimo ah ku weerareen gurigiisa oo ku yaala xaafadda Jijiga Yar ee magaalada Hargeysa, kaddib markii lagu eedeeyey inuu ku hawlanaa falal ka dhanammaanka, iyada oo sidoo kale loo haystay inuu aflagaaddo sharaftooda iyo karaamadooda wax u dhimaysa kula kacay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda.

Cabdilaahi Abokor oo madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday bishii May ee sannadkii hore, ayaa laba maalmood kaddib shaaca ka qaaday inay jiraan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo waddamada reer Galbeedkuku xidhiidhinayaan inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Xag-jirka ah.

Hadalkaas Wasiirka ka soo yeedhay, ayaa xiisad ka dhex-kiciyey xukuumadda Dhexdeeda oo si xun uga cadhooy eedaynta wasiirku jeediyey, waxaana wakhti habeennimo ah Gurigiisa ku weeraray ciidamada Ammaankaoo ka war-helay in Cabdilaahi Abokor Gurigiisa ku haystay Rag Hubaysan sida uu sheegay taliyaha booliska Somaliland, waxaana halkaas dagaal rasaas laysku adeegsaday dhexmaray ciidamada iyo Cabdilaahi Abokor.

Go’aan ka soo baxay Maxkamadda gobolka Hargeysa oo dacwadda loo haysto ka gar-naqaysay dabayaaqada sannadkii hore, ayaa Cabdilaahi Abokor ku ridday xukun saddex sannadood ah iyo ganaax lacageed, haseyeeshee go’aanka mar kale xorriyaddiisa dib loogu soo celiyey, ayaa la sheegay inuu ku yimi Cafis madaxweynaha Somaliland u fidiyey, kaddib markii Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ka codsaday madaxweynaha in xorriyaddiisa loo soo celiyo Cabdilaahi Abokor.

HALKAN KA DAAWO CABDILAHAI ABOKOR OO XABSIGA DHEXE EE HARGEYSA LAGA SII DAAYAY

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories