HomeWasiir-ku-xigeenka Gaadiidka iyo Horumarinta oo Degaannada Badhan iyo Dhahar Gaadhsiiyey Raashin ay...

Wasiir-ku-xigeenka Gaadiidka iyo Horumarinta oo Degaannada Badhan iyo Dhahar Gaadhsiiyey Raashin ay u Wakiillatay Hay’adda Nadfor

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Dhahar (SLpost)- Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Sahal Maxamed Jaamac, ayaa deeq Raashin ah gaadhsiiyey dadweynaha dan-yarta ah ee ku nool degaamada Bariga Gobolka Sanaag.

Wasiir Sahal Maxamed Jaamac oo toddobaadyadii u dambeeyey ku sugnaa Bariga Sanaag, waxa deeqdan raashinka ah oo ay u wakiillatay Hay’adda U-diyaargarawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka ee NADFOR uu gaadhsiiyey qoysas tiradoodu ka badan tahay shan boqol oo qoys, iyadoo raashinkaasna laga qaybiyey degaanno hoos yimaada degmada Dhahar.

blankDadka degaannada raashinka loo qaybiyey oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa u mahadceliyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, dowladda Somaliland, gaar ahaan Hay’adda U-diyaargarawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka, waxayna dowladda ka codsadeen in la sii kordhiyo horumarka iyo waxqadka laga fuliyo Gobolka Sanaag iyo degaannada Bariga Sanaag.

Waxa kale oo ay dadku sheegeen in raashinka loo qaybiyey uu ku soo beegmay xiligii loo baahnaa, balse waxay codsadeen in raashinka iyo taakulaynta kale ee bulshada loo fidiyo loo soo kordhiyo, maadaama oo aannu raashinka la qaybiyey ahayn mid ku wada filan dhammaanba bulshada baahan ee ku dhaqan degaannada Bariga Sanaag.

Masuuliyiinta kala duwan ee Degmada Dhahar iyo Taliyaha Booliska ee Degamdaas oo iyaguna halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa iyaguna sheegay inay Wasiir-ku-xigeenka kala wareegeen raashinka ay ka socday Hay’adda U-diyaargarawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka ee Nadfor (National Disaster Preparedness and Food Reserve Authority), waxayna sheegeen in raashinkaasi uu wax badan ka beddeli doono baahida dadka dan-yarta ah, taasoo ay xuseen inay weliba ku soo beegan tahay xili lagu jiro bil ramadaan oo baahidu sii badan tahay.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Sahal Maxamed Jaamac oo ugu dambayntii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay wax badan ka qabatay degaannada Bariga Sanaag, wixii baahiyo kale ah ee jirana diyaar loo yahay in mar walba loo qabto dadka degaanka.

blank“Anigu waxa aannu joognaa Dhahar, wax siyaasad ahna uma socono ee marka aannu nimaadnana waxtar ayaannu keenaa ee ma keeno borobogaandho, been, qoryo lala boodbodayo iyo waxaas oo kale, laakiin haddii laga fursan waayo qorigu (dagaalku) wuu iska imanayaa oo haddii balaayada la doon-doono way iska timaadaa, laakiin anagu hadda taas umaba jeedno ee waxa aannu u jeednaa sidii aannu maanta ula qaybsan lahayn dadkayagu wacyiga ay ku jiraan, wixii tamar ahna mar walba waa la keenayaa oo Hay’adda NADFOR maanta waxay keentay raashin loogu talogalay shan boqol oo qoys oo ku nool degaannada Badhan iyo Dhahar, waxaanan dadka ugu qaybinay si caddaalad ah oo degaan qudha looma badin, dadka raashinka loo qaybiyeyna waxba kama aha ama waa 2% dadka baahan ee degaannadaas ku nool, waana wixii tamar ah ee kolba la helayo,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories