HomeWasiir ka tirsan Xukuumadda Pakistan oo Abaalmarin u Ballan-qaaday Cidda Khaarajisa Ninka...

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Pakistan oo Abaalmarin u Ballan-qaaday Cidda Khaarajisa Ninka Sameeyey Filimka lagu af-lagaadeeyey Diinta Islaamka (DAAWO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Peshawar (SLpost)- Wasiir ka tirsan xukuumadda dalka Pakistan, ayaa sheegay inuu abaal-marin boqol kun oo doolar ah siin doono ciddii disha ninkii sameeyay filimka rabshadaha dhaliyay ee lagu aflegaadeeyay Nebi Muxamed (NNKHA).

Sida uu faafiyay wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska, wasiirka tareennada ee Pakistan Ghulam Ahmed Bilour, waxa uu shir uu saxaafadda ugu qabtay magaalada Peshawar ku sheegay inuu abaal-marin £61,600 Gini ah, una dhiganta $100,000 (boqol kun oo doolar) siin doono qofkii dila ninka filimkaas oo Maraykanka laga soo saaray sameeyay. “Waxaan walaalaha Daalibaan iyo walaalaha Al-Qaacida ku casuumayaa inay igala soo qayb-galaan hawlgalka barakaysan. Sidoo kale, kuwa kalena waa inay ku soo biiraan shaqadan wanaagsan, Illaaahay idamkiina weligii wuu guulaysanayaa (hawlgalka dilista ninka filimka sameeyay). Waxaan siin doonaa $100,000, cid kasta oo soo disha kuwa filimkan sameeyay,” ayuu yidhi wasiirku.

blank

Wasiirku waxa uu kooxaha Daalibaan iyo Al-Qaacida ku booriyay inay ugaadhsadaan soo saaraha filimkaas oo rabshado badan ka dhaliyay dunida Islaamka.

Dhinaca kale, xukuumadda Pakistan ayaa jawaab diidmo ah ka bixisay dhawaaqa wasiirkaas ee abaalmarinta loo ballanqaaday cidda disha kuwa filimka diinta Islaamka lagu aflegaadeeyay sameeyay.

Afhayeen u hadlay Raysal-wasaaraha Pakistan,  ayaa sheegay in dawladdu cambaaraynayso dhawaaqa wasiirku lacagta ku ballanqaaday.

Dhawaaqani waxa uu ku soo beegmay maalin ka dib markii ilaa 20 qof ku dhinteen dibad-baxyo rabshado watay oo ka dhacay gudaha dalka Baakistaan, kuwaasoo lagaga soo horjeeday filimkaas Internetka lagu baahiyey.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories