HomeWasiir hore oo raali-gelin ka bixiyey eeddeymo loo jeediyey Maxamed Kaahin

Wasiir hore oo raali-gelin ka bixiyey eeddeymo loo jeediyey Maxamed Kaahin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

cabdixaliim-maxamed-MuuseHargeysa (SLpost)-Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaarada Ganacsiga Xukuumaddii UDUB, Cabdixaliim Maxamed Muuse oo ah siyaasi ka soo jeeda Deegaamada Galbeedka Burco, ayaa raali-gelin iyo xaal ka bixiyey hadallo ka soo yeedhay Madaxdhaqameedyo iyo Odayaal ka soo jeeda Deegaamad Gobolka Togdheer, kuwaasoo dhaleecayn deel-qaaf ah u jeediyey Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin iyo Madaxweynaha.

Cabdixaliim Maxamed Muuse oo maanta Warbaahinta soo gaadhsiiyey Qoraal dheer oo uu kaga hadlayo xaalada Siyaasaddeed ee dalka, gaar ahaan qadiyad khilaaf ka dhex abuurtay Madaxdhaqameedyada Galbeedka Burco iyo kuwa Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa, ayaa gef iyo meel ka dhac ku tilmaamay hadallada ka soo yeedhay Oday-dhaqameedyada deegaankiisa, kana raali-gelinayo cid kasta oo dhibsatay.

Siyaasigan, ayaa dhinaca kale u mahad-naqay xubno kamid ah Salaadiinta Beesha Gabiley oo raalin-gelin ka bixiyey hadalkii Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal jeediyey, kaasoo xannaf iyo xamaasad siyaasaddeed oo qabyaalad ku dhisan abuuray.

Cabdixaliim oo qoraalkiisa kaga hadlay arrintaas iyo qodobo kale ayaa ku bilaabay sidan:

“Anigoo in muddo ahba iska ka gaabsaday arrimaha siyaasadda iyo kuwa dhaqankaba, sababo aan mar kale ka warrami doono awgood, waxaa maanta nusqaan iigula muuqatay inaan ka aamuso ama ka hadal la’aado arrimaha maalmahan soo noqnoqday ee ka dhashay madaxdhaqameedka hadallada foosha xun ee qabyaaladda iyo turxaanta leh isugu jawaabay markii dambena lasii kordhiyay ee baraha bulshada lagu sii faafiyay.

Waxaan marka hore aad u soo dhawaynayaa una mahadnaqayaa Suldan Ismaciil Suldaan Cabdiraxmaan iyo Suldaan Mawlid Sabeyse sida milgaha iyo sharafta leh ee ay u garteen hadalkii Suldaan Xassan Suldaan Cabdillahi ee xamaasaddaa kacday horseedka u ahaa inay ka xaal bixiyaan oo cid kastoo dhibsatay ay ka shaafiyaan. Waxaanan rajaynayaa in lagu wada qancay oo dhammaanba intii hadalkaa qoonsatay ay guddoomatay xaalkaa iyo raalligelintaas.

Waxaan kaloo jecelahay inaan halkan ka raalligeliyo oo ka xaal siiyo Wasiir Mohamed Kahin Ahmed oo aan si weyn uga damqaday hadalladii aan munaasibka ku ahayn ee odayaasha aanu tolka nahay kula dul kufeen, kuwaasoo markaan qaarkood waraystay si qaldan loogu warramay.

Maxamed Kaahin waxaan qabaa intaan ka bartay inuu yahay shakhsi ballaadhan oo kaalinta loo dhiibay aan is leeyahay waa masuulkii ugu habboonaa (the right person). Waxaan qabaa inuu yahay masuul aqoon badan dadka iyo dalkaba u leh oo ummada isu soo jiida kara. Xilkaana hadday noqoto xag amni iyo mid maamulba uu khibradeedii, odeynimeedii iyo degenaanshaheediiba leeyahay.

Wasiir Maxamed waa nin dalkan tacab badan ku leh taariikhdiisana si wacan loo wada garanayo, kana mid ah ashkhaasta birmageydada ah ee xurmada inaga wada mudan.

Maxamed waxan jecelahay inuu xaalkaa iga guddoomi doono. Inshaa Allah sidaan ka codsaday qaar ka mid ah odayaashii hadallada deelqaafka ahi kaga yimaadeena iyana raalligelin ayay ka saameyn doonaan wararkaa sida xun loogu tabiyay iyo hadalladii xanafta lahaa ee ay kaga jawaabeenba.

Intaa ka dib waxaan xukuumadda, gaar ahaan madaxweynaha, u soo jeedinayaa inaan fursad la siin sabab kasta oo cadawgeennu ka dhex faa’iidaysan karo, isla markaana uu u tanaasulo wixii macquul ah ee ay ka tabanayaan xisbiyada macaaradka iyo taageerayaashoodu. Madaxweynuhuna waa inuu marwalba ummadiisa u muujiyaa kalsooni iyo cadaallad iyo inaan cid ama reero gaar ahi iska xigsiin inta kale.

Waana geesinimo inuu ninku, ama madaxweyne ha ahaado ama masuul kale ha ahaadee, uu ka garaabo oo ummadiisa ka bogsiiyo wixii hadal ama ficil qoonsi leh ee intii kaambeynka lagu jiray ka dhacay.

Shacabka reer Somaliland-na waxaan guud ahaanba leeyahay dalkani cadow badan oo aan guul iyo nabadgelyo u ogolayn ayuu leeyahay. Sidaa darteed waa in laga gudbaa hadalada ummada kala fogaynaya cadowgana ka farxinaya, meelna looga soo wada jeestaa wixii ina midaynaynaya.

Waa in laga gudbaa erayadii loolankii kambaynka iyo xanaftii doorashada oo sidii la isugu hanneeyay  loola shaqeeyaa, fursad iyo waqtina la siiyaa xukuumadda uu maanta gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi si looga gudbo caqabadaha iyo dhibaatooyinka tirada badan ee maanta waddanka dhex yaala ee nabadgelyadii iyo noloshiiba halista ku ah.

Walaalayaal waddankan cidina cid kama yeelan karto, qofkii sidaa u fekera ee cid iska xigsiiyaana waa qof iska riyooday oon caqli badani ku jirin. Siyaasaduna gelin iyo daqiiqado ayay isku badashaa, waxaana gusheeeda hela qofka u samra ee maalintiisa suga.

Waxaan bulshadayda usoo jeedinayaa wada jir iyo in gacmaha la isu qabsado oo la wada difaaco qaranimada somaliland. Wixii dhexdeenna ahna aan uga wada hadalno si turxaan la’ oo lexejeclo ku jirto.

Waxaan kusoo gabogebeynayaa midho ka mid ah maansadii  Marxuum Gaarriye (AHUN):

Rag uu ka dhexeeyo Geel

Hadduu kala geeyo damac

Waxa isu geysa dane

Allow garansii nin moog.

Galool mudhay oo farcamay

dhudaha goonyaha u fiday

Hadday kala gaar yihiin

Guntay ka midaysan yihiin

Haddaad gorod diidan tahay

Ku koob dirirtaada gorod

Ha nicin gobolkuu ka yimid

Ha Giijin Xadhkaha ha jarin.

Ha goynin Waxa la isku yahay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories