HomeWasiir Hinda Gaani oo ka Hadashay Bilowga Wejiga 2aad ee Shaqo-abuurka Dhalinyarada...

Wasiir Hinda Gaani oo ka Hadashay Bilowga Wejiga 2aad ee Shaqo-abuurka Dhalinyarada iyo Kulamo Dhexmaray Dalalka taageera Doorashooyinka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Qoyska Iyo Shaqo-qalinta Somaliland Marwo Hinda Jaamac Hirsi Gaani oo maalmihii u dambaysay socdaal shaqo ugu maqnayd dalalka Itoobiya iyo Kenya, ayaa dalka dib ugu soo laabatay, waxaanay faahfaahin ka bixisay ujeeddada kulamo kala duwan oo ay la qaadatay madax ka socotay waddamada Somaliland ka taageera dhinaca mucaawimooyinka iyo doorashooyinka.

wasiirkk

Marwo Hinda Jaamac oo ujeeddada socdaalka ay ku tagtay dalalkaasi la xidhiidho dedaallo xukuumaddu kharashaad ugu raadinayso hirgelinta wejiga labaad ee mashruuca shaqo-abuurka dhalinyarada Somaliland, waxa ay kulamo la yeelatay madaxda hay’adaha mucaawimooyinka Dibadda u qaabilsan dalalka Ingiriiska, Sweden, Japan, Talyaaniga, Canada, Jarmalka iyo sidoo kale baanka Horumarinta ee qaaradda Afrika.

 

Wasiirka oo xog-warran kooban oo ujeeddada socdaalkeeda iyo waxyaabihii u qabsoomay ku saabsan siisay wariye ka tirsan Somalilandpost, waxa faahfaahisay arrimaha ay kaga wada-hadleen kulan gaar ah oo magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Haweenay lagu magacaabo Kate Greany oo madax ka ah hay’adda DFID oo dowladda Ingiriska u qaabilsan mucaawimooyinka dibadda isla markaana ah Guddomiyaha Gudigga farsamo ee wadaagga ah ee qaadhaan-bixiyayaasha u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya. 

 

“Wadamadii aynu la kulanay waxay kala ahaayeen hayada mucaawanooyinka dibadda u qaabilsan ingiriiska, Sweden, Italy, Canada, Germany, Japan iyo Baanka horumarinta Afrika (African development Bank). Waxaa iyagu ku sugnaa qaar kamid ah ha’yadihii Qaramada Midoobay ee nagala shaqaynayey fulinta wejigii koowaad ee shaqo-abuurka dhalinyarada oo ay kamid ahaayeen UNDP, UNHabitat iyo UNIDO,” sidaas ayay tidhi Marwo Hinda.

 

Mar ay ka hadlaysa ujeeddada socdaalka ay ku tagttay labada waddanka ee Itoobiya iyo Kenya, waxa ay ku tidhi, “Barmaamijka Shaqo Abuurka oo Wejigii Hore Dhammaaday ayaan u Doonay sidii aan Wejiga labaad Qaadhaan Ugu Heli lahaa”.

 

Wasiirku waxa ay sheegtay inay kulankaas ugu soo bandhigtay sidii dowladda Ingiriisku uga caawin lahayd Somaliland mashruuca shaqo-abuurka Dhalinyarada wejigiisa labaad oo ay sheegtay in qorshihiisu yahay sidii shaqo-abuur loogu samayn lahaa 1,500 dhalinyaro ah sannadkan.

 

“Dhalinyaradaasi waxay isugu jiraan 925 wiil, 500 gabdhood 75 naafo ah oo shaqo abuur loo samaynayo, waxayna tani qayb ka tahay sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland ee madaxweynuhu aasaasay, kaasoo dowladdu ku shubtay $200,000,” sidaas ayay tidhi Wasiirku.

 

Waxa kale oo Wasiirku sheegtay in waxyaabaha kulankaas ay kala hadashay sarkaaladda ka tirsan dowladda Ingiriiska ka mid yihiin siyaasadda xukuumadda ee dhiirri-gelinta sidii haweenka uga qayb-qaadan lahaayeen siyaasadda dalka, waxaanay sheegtay in haweenaydaasi ku bogaadisay wasiir ahaan dedaalka iyo ololaha ay ugu jirto xuquuqda haweenka.

 

Ugu dambayn, wasiirku waxa ay u bushaaraysay dhalinyarada in xukuumaddu diyaarisay wejiga labaad ee barnaamijka shaqo-abuurka dhalinta kaas oo marka uu dhammaado sidoo kalena qorshuhu yahay u diyaar-garowga wejiga 3aad ee barnaamijka oo ay tilmaantay inuu noqon doono mid wax weyn ka tara baahida dhaqaale ee dalka shaqo-abuurka dhalinyarada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories