HomeWasiir Guri-barwaaqo oo sharraxay Aqoon-korodhsi xidhiidhka warbaahinta Xorta ah oo uu ka...

Wasiir Guri-barwaaqo oo sharraxay Aqoon-korodhsi xidhiidhka warbaahinta Xorta ah oo uu ka helay Siminaaro loogu qabtay Dalka Ingiriiska

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

guri barwaaqoHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) oo socdaal ku jooga dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada kulamo uu la qaatay madaxda hay’ado warbaahineed oo ka hawl-gala dalkaas iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan dowladda Ingiriiska oo u ballan-qaaday inay ka caawinayaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen tabobarrada dhinaca saxaafadda ah oo ay siiyaan warbaahinta dowladda iyo kuwa madaxa-bannaan ee Somaliland.

Wasiir Cabdiraxmaan Guri-baaaqo oo isagoo ku sugan dalka Ingiriiska xog-warran kooban siiyay warbaahinta dowladda Somaliland ee ka hawl-gasha dalkaas, waxa uu sheegay inuu kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Ingriiska oo uu ugu horreeyo ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo fadhigiisu yahay magaalada Addis Ababa isla markaana ah masuul dhowaan xilkaas loo magacaabay isla markaana todobaaddada soo socda xilkaas la wareegi doona.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay inuu wada-hadallo is-afgarad ku dhammaaday la qaatay masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Ingiriiska kuwaas oo uu sheegay inay u sharraxeen sida ay dowladda waddankaasi ula dhaqanto isla markaana xidhiidhka wada-shaqayneed ula sameeyaan warbaahintooda madaxa-bannaan. Waxaanu wasiirku intaas ku daray in nuxurka kulamadaasi qayb ka yihiin ka dhabaynta iyo ka-midho-dhalinta heshiisyo ka soo baxay shirweyne dhowaan magaalada Hargeysa ku dhexmaray wasaaraddiisa oo metalaysay xukuumadda iyo saxaafadda madaxa-bannaan ee dalka, taas oo uu sheegay in layskula qaatay sidii loo kobcin lahaa aqoonta iyo tayada saxaafadda madaxa-bannaan iyo ta dowliga ah ee Somaliland.

Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri-barwaaqo waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey kulamo uu la qaatay madaxda hay’ado warbaahineed-madax-bannaan oo ku qaabilay isla markaana ku marti-qaaday xarumahooda guud ee ay ku leeyihiin waddanka Ingiriiska, kuwaas oo uu sheegay inay ka caawin doonaan sidii ay tabobarro  waayo-aragnimo dheeraad ah xambaarsan ugu kordhin lahaayeen saxaafadda dowladda iyo ta madaxa-bannaan ee Somaliland.

HADDABA FAAHFAAHINTA ARRINTA, HADALKA WASIIRKA IYO ARRIMAHA UU SIDA QOTADA DHEER UGA HADLAY EE LA XIDHIIDHA AQOON-KORODHSIGA UU KA KASBADAY KULAMADA UU LA YEESHAY MASUULIYIINTA KALA DUWAN EE UU KULA KULMAY DALKA INGIRIISKA, WAXAAD AKHRISTE KAGA BOGATAA MUUQAALKAN HOOSE

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories