HomeWasiir Falastiini ah oo ku geeriyooday Isku-dhac Dhexmaray Shacab Gadoodsan iyo Ciidamada...

Wasiir Falastiini ah oo ku geeriyooday Isku-dhac Dhexmaray Shacab Gadoodsan iyo Ciidamada Israa’iil (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Quddus (SLpost)- Wasiir ka tirsan Golaha Xukuumadda dawladda Falastiin, ayaa Arbacadii ku dhintay Iska-horimaad dhex-maray bannaan-baxayaal reer Falastiin iyo Ciidamada Booliska ee Israa’iil.

Ilaa immika lama oga sababtay keentay dhimashadiisa, haseyeeshee waxa ay wararka ka soo baxaya geeridiisu sheegayaan inuu u dhintay neef-qabatay, ka dib markii ciidamada Booliska Israa’iil ay Sunta Indhaha kala ilmaysiisa u adeegsadeen bannaan-baxayaasha taas oo uu neef ahaan u qaatay, isaga oo isla markiiba ku dhacay goobtii mudaharaadku ka dhacayey oo ku taala Dhulka Daanta Galbeed ee Israa’iil Xoogga ku haysato.

WASIIRZiyad Abu Cayn oo da’diisu tahay 55-jir, ayaa ka mid ahaa boqolaal Falastiiniyiin ah iyo dad Ajaanib ah oo u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda shacabka Reer Falastiin, kuwaas oo ay isku dhaceen Askar Yuhuud ah oo ku sugnayd goob Isbaaro ah, wakhti ay ku soo jeedeen bannaan-bax ay kaga soo horjeedeen deegaamayn cusub oo Yuhuuddu dhismeyaal cusub kaga hirgelinayso dhulka haysta ee Daanta Galbeed.

In ku dhow 30 Askari oo Yuhuud ah iyo Askarta Ilaalisa Xuduudaha, ayaa Gaasta Indhaha kaga ilmaysiisay iyo Rasaasta Sanqadha Dadka kala erida u adeegsaday bannaan-baxayaasha, waxaanay askarta booliska mid ka mid ah isku dhaceen Wasiirka Geeriyooday oo Askari si xoog ah inu Luquntiisa u qabtay tukhaan-tukhiyey, mana jirin wax jawaab ah oo Marxuumku ka bixiyey gacan-qaadka Askariga Yuhuudiga ah, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

SIYAD ABU AYNWarku waxa uu intaas ku daray in daqiiqado ka dib uu Marxuumku dhulka u dhacay isaga oo Wadnaha Is-haya, waxaana markiiba loo cararay cusbitaalka, haseyeeshee nasiib-darro waxa uu geeriyooday intii loo sii siday Cusbitaalka, sida ay baahiyeen telefishannada Al-Jaziira iyo Al-Carabiya.

In kasta oo aan la xaqiijin sababta geeridiisa, haddana waxa wali socda baadhitaanno ay samaynayaan khubaro caafimaad oo u kala dhalatay waddamada Falastiin, Israa’iil iyo Urdun, iyada oo la filayo in natiijada baadhitaanka sida ugu dhakhsaha badan la shaaciyo

siyad abu caynDhacdadan ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay cirka isku shareereen xiisad colaadeed oo u dhaxaysa Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta, ka dib Isku-dhacyo rabshado wata oo labada dhinac ku dhexmaray magaaloyinka Quddus, Tel Aviv iyo Dhulka Yuhuuddu Xoogga ku haysato ee Daanta Galbeed.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories