HomeWasiir Cukuse oo Xisbiyeeyay Warbixintii Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranku Soo...

Wasiir Cukuse oo Xisbiyeeyay Warbixintii Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranku Soo Saareen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse, ayaa ka hadlay warbixin ay maanta soo saareen gudida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka, warbixintaas oo ka waramaysay maamul daadajinta iyo nidaamka shaqo ee qaranka oo ka dambaysay kormeer ay gudidu gobolada ku soo martay. Warbixintan ayaa farta ku fiiqday in aannay wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanku aannay xarrumo iyo isuuwayaal ku lahayn gobolada iyo degmoyinka dalka .

Wasiir Cukuse oo warbixintaasi kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaanay qiimayntoodu ahayn mid lagu eegi karo maamul daadajin balse lagu eegi karo inay shaqadooda qabtaan. Wuxuu ku dooday inay shaqadooda si fiican u qabsadaan, isagoo u muuqda inuu meesha ka saarayo in wasaaraddu ka shaqayso gobollada.

“Wasaaradda warfaafinta, wacyigalinta iyo dhaqanka xarunteedu waa Hargeysa. Qofka doonaya inuu qiimeeyaana waa inuu marka hore akhriyaa waajibaadka iyo xilka wasaaradda warfaafinta oo gartaa. Wasaaradda warfaafinta waxa xilkeeda ugu muhiimsani yahay( Idaacadda, Tv-ga, Wargeyska iyo Websites-ka) inay muwaadin kasta oo reer Somaliland ah warka ku gaadhsiin karto maqal iyo muuqaal iyo akhris. Ma aha anaga arrintayadu gobol ma aha degmo ee muwaadinka gurigiisa iyo halka uu fadhiyo waa inaanu ku gaadhsiinno hadduu gudaha jooga iyo hadduu dibadda joogaba, markaa anaga nalaguma qiimeeyo gobol iyo Degmooyin, ee waxa nalagu qofka halka uu joogo iyo gurigiisaba warka ma ku gaadhsiisaan?,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Mudane Cukuse oo ka jawaabaya sababta wasaaraddiisu xarrumo iyo isuduwayaal gobolada ugu yeelan wayday ayaa waxa uu yidhi “Wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanku muwaadiniinta guddo iyo dibadba waxa ay u leedahay nidaam ay ku gaadhsiiso warka iyo wacyigelintaba, Laakiin haddii ay u jeedaan sida wasaaraddaha kale wasaaraddu isuduwayaal ma ku leedahay goboladda dalka? Jawaabtu waxa weeyi qaabka wasaaradda warfaafintu way ka duwan tahay wasaaraddaha kale. Annagu waxa aannu yeelanaa wakiillo. Isuduwayaal ma yeelanno. Markaa sidaas oo kale oo uun baannu u shaqaynaa waaxda dhaqanka iyo waaxaha kaleba”

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo Dhaqanku waxa uu gudidda ku eedeeyay in ay yihiin xubno ka tirsan xisbiga WADDANI, waxaanna uu sheegay in aannay qiimayn ku samayn karin xukuumadda oo xisbigeedu yahay KULMIYE. “Gudida oo dhammaantood ama intooda baddani ay ka mid yihiin xisbiga WADDANI. Xisbiga Waddanina xukuumadda ma qiimayn karo, waayo waa xisbi mucaarid kolaybana ma amaanayo. Mar baannu isku dayaynaa in xisbiga Kulmiyana qiimayn sameeyo, labada qiimaynood baynnu is barbardhigi doonnaa” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Hadalkan wasiirka ka soo yeedhay ayaa muujinaya sida aannay laamaha kala duwan ee dawladdu u wada shaqayn iyo saamaynta qaloocan ee loolanka xisbiyadu ku yeeshay hanaankii dawladnimo ee qaranka Somaliland.

Somalilandpost.net,

Hargeysa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories