HomeWasiir Cukuse Oo Sheegay Inuu Codkiisa Siinayo Musharaxiinta Isbahaystay, Kana Waramay Sababta...

Wasiir Cukuse Oo Sheegay Inuu Codkiisa Siinayo Musharaxiinta Isbahaystay, Kana Waramay Sababta uu Wasiiradii Iscasillay uga Hadhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost) Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa shaaciyay inuu codkiisa siin doono musharaxiinta isbahaystay marka la gaadho shirka golaha dhexe ee Kulmiye.

 

Waxa uu sheegay in Email-kiisa iyo teleefankiisaba lagaga soo wareeriyay sababta uu uga hadhay musharaxiinta isbahaystay iyo masuuliyiintii iscasilay ee uu ka mid ahaa, balse wuxuu ku dooday inuu madaxweynaha kala xishooday inuu xilkaasi iska casilo. Waxa uu sheegay in isagoo xilka haya uu haddana la socdo musharaxiinta isbahaystay.

 

Wasiir Cukuse ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay madaxtooyada oo ay xilalka kulk ala wareegayeen  wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wasiirka cusub Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

Wasiir Cukuse waxa uu sheegay wanaag iyo adadayg ragganimo oo uu labada masuul ee xilka la kala wareegaya ku yaqaanno “Wasiir Xirsi in uu nin adag yahay baan qirayaa, waxa kaloon qirayaa in uu Maxamuud Xaashi yahay wasiir khibrad leh. Maxamuud Xaashi waan la shaqaynayaa oo saaxiib baan noqonaynaa, Xirsina sidii aan saaxiibka ula ahaa ayaannu dibadda saaxiib ugu ahaanayna”
Mudane Cukuse ayaa waxa uu ka hadlay sababta uu uga hadhay saaxiibadiisii iscasillay “Xirsi iyo Saaxiibadii kale ee xukuumadda ka baxay dhammaantood waxa ay ahaayeen saaxiibaday, dabadeedna su’aasha ugu badan ee emailkana iga buuxisay tilifoona igu wareerisay ay tahay “Saaxiibadaa maxaad uga hadhay?”. Saaxiibaday wixii u  aannu balansanayn waxa uu ahaa in aannu codka dhinac u wada ridno, imikanaa codka dhinacoodii baan u ridaynaa, Laakiin waxa aan la shaqaynayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo inta aan xilka hayo”

 

 

Waxa kale oo intaa ku daray xagga uu madaxweyne Siilaanyo ku leeyahay iyo in uu isagu kala xishooday in uu is casillo “Madaxweyne Siilaanyo aniga wuu I magaacabay wuu I sharfa isagaa xaqaa lahaa in uu I magcaabo, isagaana leh xaqa ah in uu xilka iga qaado. Laakiin anigu Xaga ah in aan is casillo Axmed Siilaanyo waan kala xishooday” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir Cukuse.

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories