HomeWasiir Cukuse Oo Ku Doodday In Loo Baahan Yahay Qabyo-tirka Xeerka Saxaafadda...

Wasiir Cukuse Oo Ku Doodday In Loo Baahan Yahay Qabyo-tirka Xeerka Saxaafadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),ayaa ka hadlay qabyada ku jirta Xeerka Saxaafadda Somaliland ee  2004 kaasoo uu tilmaamay gal-daloolooyinka ku jira iyo sida loogu baahan yahay in la qabyo-tiro.

Wasiirku waxa kale oo uu  sheegay in ay wada ogsoon yihiin goleyaasha Qaranku qabyada ku jirta kuna  wada qanacsan yihiin in  xeerka la dhammaystiro oo dalku uu yeesho xeer saxaafadeed aan qabyo lahayn.

Waxaanu sidaa ka sheegay  Kulan lagu gurfayay horumarinta warbaahinta Somaliland oo ay ka soo qayb galeen madaxda sare ee wasaarada warfaafinta, hogaanka ururka saxaafada Somaliland ee SOLJA, rug caddaaga mihnadda saxaafadda iyo daneeyaasha arrimaha warbaahinta.

 “Xeerka saxaafadda qabyada ku jirtaa inay faro badan tahay qof kasta oo innaga  mid ahi  wuu qirayaa, ka sakow  Ha’yadaha gacanta ku haya ee ku shaqeeya haddii ay noqdaan golaha wakiilada oo ah kuwii curiyey, haddii ay noqon lahayd golaha xukuumadda oo ah kuwii la sii mariyey, haddii ay noqon lahayd haayadaha garsoorka ee maxkamadda iyo xeer ilaalinta dhammaantood way dareemeen in ay qabyo ku jirto xeerka saxaafadda, xeerkeenan markii la sameenayey 2004-tii xeerkaasi gabigiisaba waxa isha lagu hayey oo kaliya waxay ahaayeen meheradaha saxaafada ee qoraalka amaba wargaysyada oo kaliya, Tv may jirin, Suxufiyiinta Internet-ku iyaguna  may jirin, wuxuu ku jihaysan yahay wargaysyada, madbacado ka hadli mayo, suxufiga weriyaha ah iyo suxufiga tifatiraha ah kala garan maayo, ka idaacada iyo ka Tv-ga faraqa u dhexeeya iyo xaquuqaha iyo waajibaadka saaran sida ay kala yihiin, oo waajibaadkoodu kal culus yahay oo mararka qaar uu meelo ku kala duwanyihiin midna si buuxda uma sharaxayo,”ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Cukuse.

Waxaa kale oo uu ka  hadlay Wasiirka Warfaafintu sida dastuurka Somaliland u damaanad qaaday ilaalinta Xorriyatul qawlka iyo waajibaad gudashada Saxaafadda waxaanu yidhi “Markaa aniga mabda’ dastuurkeenna iyo qarankeenna iyo dalkeenna aynu ku dhisan nahay waxa weeye waxa uu dhiiri gelinayaa xoriyatul qawlka, wuxuu dhiiri galinayaa madax banaanida saxaafadda, wuxuu dhiiri -gelinayaa xoriyaadka qofka inta aanu xoriyaadka dadka kale wax u dhimin, inta aanu dhaqanka iyo diinta wax u dhimayn, inta aanu shuruucada ku gafin, inta aanu shuruucda ku gafaynin waa la dhiiri gelinayaa iyo kii isaga qaban lahaa ee dadka ka qaban lahaa ee in aanu  dadka ku gafin ee aanu caadafidiisa la soo toosin, oo aan qof iska maagin oo iska caayin, midna iska caashaqin ooaanu  iska amaanin ee uu eego xuquuqda uu sharccigaasi faro in  uu raaco.” 

Wasiirku  waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in ummadda wax dhaxal gal ah looga tago oo ummadda dhaqa oo sax ah oo aanay ku margan oo sharci u noqda warbaahinta oo dhan, waxaanu yidhi   “Markaa waxaynu doonaynaa in xeerkaasi in badan baynu wadnay haatan dadkii wuu koray dhalinyaradiina waynu ka baxnay, waynu arkaynaa inaynu u baahanahay inaynu dadka wax uga tagno waxaanan uga tegaynaana waxa weeyi inaynu xeer wanaagasan uga tagno.”

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories