HomeWasiir Cukuse Oo Ka Waramay Safarka Madaxweynaha Iyo Kullankii Dhiggiisa Ireland

Wasiir Cukuse Oo Ka Waramay Safarka Madaxweynaha Iyo Kullankii Dhiggiisa Ireland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dublin(SLpost)Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ay laanta afka Soomaliga ku hadasha ee BBC-du ka waraysatay kulan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo madaxweynaha Jamhuuriyada Ireland wada yeesheen iyo Waxyaabaha shirkaasi lagaga wada hadlay.

waxaanu u dhacay Waraysigaasi sidan:-


Cukuse:  waddanka Ireland waxa uu ka mid yahay wadamada Caalamka ee muhiimka u ah in aanu gaadhsiino qadiyadda Jamhuuriyada Somaliland iyo Baahida aanu u qabno nooca xidhiidhka aanu caalamka la leenahay.

sidaa awgeed waxa aanu jeclaysanay in ay Ireland ku soo biirto wadamada gacanta weyn ka geysta dhismaha qaran-nimada Jamhuuriyada Somaliland, dhaqaalaha Arrimaha Dibeda, Siyaasada iyo wixii la mida. waa wadan weyn oo caalamka ka mid ah waxa aanu markaa ka wada hadalayna danaha labada dal.

S: BBC, Markaa waxa aad Ireland waydiisateen haatan maxay yihiin?  oo aad doonaysaan inay ka qabtaan Somaliland?

J: Cukuse, waxa aanu marka hore waydiisanaynay oo aanu kala hadlaynay waa aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland oo dalkayagu baahi weyn u qabo in ay beesha caalamka ka mid noqoto dawladaha ay dunidu aqoonsan tahay oo dal iyo dunidaba guud ahaan waanu waydiisanaa, waana dedaalka ugu horeeya ee xukuumadayadu ku hawlan tahay markaa waanu waydiisanay taas.

 Ta labaadna waxa aanu waydiisanay arrimaha kale ee dhinaca dhaqaalaha, waxa jira wadamo fara badan oo dhawra dawlada ingiriiskuna hogaaminayso, oo Norway ka mid tahay oo sanduuqa dhaqaalaha ee horumarinta Jamhuuriyada Somaliland sanduuqa la yidhaahdo oo ay dawladuhu toos ugu shubaan deeqaha ay dalkayaga siinayaan in ay Irelandna ku soo biirto, waanu waydiisanay.

Waxa kale oo saddexaad oo aanu ka wada hadalnay inay qayb ka qaadato sidii ay nooga caawin lahaayeen dhinaca aqoonta, qalabka iyo dhismahaba in dhinaca amniga uu dalku u baahan yahay oo ay kaalin ka qaadan lah

ayd, waayo dadka aanu qaabilnay ka mid ayuu ahaa taliyaha guud ee ciidamadu madaxweynaha Ireland ayuuna ku wehelinaayey kulanka.

S: BBC, Mudane Wasiir hadii aan ku hormaro qodobka koowaad ee aad ka dhawaajisay ee ah in dawlada Ireland idin aqoonsato, maxay idin yidhaahdeen, markaad ula tagteen arrinkaasi?

J: Cukuse, markaanu aqoonsiga waydiisanay madaxweynaha dawladan Ireland wuxuu qiray inay Somaliland tahay dal ka soo kabtay burbur iyo dagaaladii sokeeye ee qabsaday, wuxuu qiray inuu yahay dal iyo ummad waxqabsaday in aanu nahay, wuxuu qiray in aanu xaq u leenahay in lana caawiyo oo gacan lanaga siiyo baahida faraha badan ee aanu u qabno taageerada dunida, waxaanu sheegay in uu dalkiisu dib u eegayo arrintaa.

S: BBC, Arrimaha aad haatan ka dhawaajiseen ee aad ula tagteen dawlada Ireland sow maaha kuwii aad horeba ula tagteen dawladaha hore oo aad aqoonsiga waydiisanayseen? Markaa maxay soo kordhinaysaa?

J: Cukuse, walaal dawladahaa waanu ula tagnay waanay soo kordhinaysaa annaga waajib nafura weeyaan in aanu dal kasta oo dunida ku yaalaba aanu aqoonsiga waydiisano, dunidana waa waajib in ay garawsato waxaa ay qirayso oo waanu ka filaynaa in maalin maalmaha ka mid ah ay qiridoonaan, markaa waxay Ireland ka mid tahay wadamada aanu rajada ka qabno in ay mar uun aqoonsato Jamhuuriyada Somaliland.

S: BBC, waxa aad sheegtay in aad doonaysaan dalkan aad booqateen in ay idinka caawiyaan dhinaca waxbarashada iyo qalabka, markaa waxaad idinku waydiisateen mooyaane maxay iyagu idin waydiisteen?

J: Cukuse, waxa ay Ireland na waydiisatay waxa sida caadigaaba ay dunida oo dhami na waydiisato oo ah in ay Jamhuuriyada Somaliland dunida kala shaqayso Amniga badaha iyo beriga labadaba, amaanka iyo nabad kuwada noolaanshaha dunida caalamka iyo beesha caalamkaba.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories