HomeWasiir Cukuse Oo Ka Hadlay Is-Casillaadda Wasiiradda Shaqada ka Tagay Maanta

Wasiir Cukuse Oo Ka Hadlay Is-Casillaadda Wasiiradda Shaqada ka Tagay Maanta

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta JSL mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo imika goor dhawayd saxaafadda ugu waramayey Hargeysa ayaa waxa uu ka hadlay is casilaadda xubnaha badan ee maanta iska casillay xukuumadda Kulmiye, isaga oo sheegay in ay ku lug leedahay loolanka Kulmiye.

 

Wasiirka oo arrintaa ka hadlaya ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, “Sida aad ka arkayseen ama dhaqdhaqaaqa la socoteen waxa abuurmay jawi woxogaa adag oo aannu ILLAAHAY ka baryayno in uu innoo sahlo oo aannay nabadgelyada iyo qaranimada Somaliland saamayn ku yeelanin, jawigaasi waxa uu ka dhashay khilaaf qabashada shirweynaha oo musharixiinta ku tartamaysa iyo inta kala taageeraysa iyo xukuumadda dhexdeeda oo uu saamayn ku yeeshay”

 

Mudane Cukuse isaga oo ka hadlaya in ay nabadgelyada Somaliland ka weyn tahay wax kasta oo la Kulmiye isku hayo iyo inta is roorsanaysaba waxa uu yidhi “Waad arkaysaan oo wasiirada is casillay way dhacday waxaannu ka shaqaynaynaa in ay dalka nabadgalyadiisu sugnaato oo dawladnimo innoo dhisnaato, shirka golaha dhexe ee Kulmiye iyo Kulmiyaba waxa ka weyn Somaliland.waxaynnu nahay dal, waxaynnu nahay qaran, waynnu u baahanahay marka midi cadhoodo, mid nabadda ilaaliyana in aynnu helno, waynnu u baahanay in aynnu dhammaanteen isku dayno in aynnu suluxa iyo nabadda ka shaqaynno. Waxaannu doonaynaa in aannu jawiga ku soo dabaalno jawi caadi ah, oo qof waliba waxa uu tirsanayo lagu kala baxo cadaalad”

 

“ Waxa aan imika idiin sheegayaa oo kaliya saacaddan imika waxa aannu ka shaqaynaynaa in aannay dalkeenna saamayn ku yeelan oo aynaanu noqon qaar dawladnimadii ka duntay” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir Cukuse.

Halkan Ka daawo Warkaas Oo Muuqaal ah:

https://www.youtube.com/watch?v=IPpOa_ZdQDk&feature=youtu.be

 

Somalilandpost, Hargeysa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories