HomeWasiir Caddaani oo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ku Eedeeyay inuu...

Wasiir Caddaani oo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ku Eedeeyay inuu ka Baayac mushtaraynaayo Shirka Lodon

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyada Somaliland. Cismaan Cabdilaahi Saxaradiid (Cadaani), ayaa  Xisbiga Waddani ku Eedeeyay inay ka baayac mushtareynayaan shirka London, isaga oo sheegay inaanu garanay talo Qaran waxa uu uga jeedo Af-hayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, waxaanu ku dooday in talo Qaran Madaxweynaha Somaliland ay Ummaddu u dooratay inuu Dalka Siyaasaddiisa hago mid gude iyo mid debaddeed-ba.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyada Md. Cismaan Cabdillaahi oo maanta Xafiiskiisa shir Jaraa,id ku qabtay, waxa uu si adag u sheegay in Inan yar oo Af-hayeen ah aanu ogaan-karin  In waraaqo Martiqaad ah ay Madaxweyne Axmed Siilaanyo  Xafiiskiisa soo gaadheen.

Wasiirul-dawlaha Maaliyadda
Wasiirul-dawlaha Maaliyadda

Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid, Waxa uu sheegay in sababta shirka aan looga qayb-galayn tahay arrin is ka cad Ummadda Reer Somaliland oo dhamina ay garanayso, isla markaana waxa uu sheegay in Madaxweyne Silaanyo yidhi haddii shirkaasi yahay mid la mid ah shirarkii hore oo kale ay ka qayb-galayaan, waxaanu yidhi,  “Sababta shirka aan looga qayb-galayn waxa weeyaan arrin is ka cad Ummadda Reer Somaliland oo dhamina way aragtaa,waxa weeyaan Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo waxa uu yidhi haddii shirkaasi yahay mid la mid ah shirarkii hore ee lagu qabtay London iyo hadii uu yahay kii lagu qabtay Immaaraadka Carabta oo macnaheedu yahay laba Dal oo isku mid ah Somaliland sidii caadada ahayd shirkaas Somaliland way ka qayb-galaysaa hadiise  Shirkaasi yahay mid u gaar ah Soomaliya oo loo qabtay iyaga,kaas Somaliland kama qayb-galayso, waana arrin cad oo aan u baahneyn wax mad madow ah.,”Ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyada Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani).

 Wasiir Cadaani oo ka hadlaya aragtiyaha is-khilaafsan ee Xsibiyada Mucaaradka ka dhiibteen go’aankii madaxweynuhu ku qaaddacay shirka London, waxa uu yidhi, “Waxa aanu soo dhaweyneyna in Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid uu soo dhaweeyay hadalka Madaxweynaha uu shirkaasi ka qayb-galkiisa ku sheegay in aanay Somaliland ka qayb-gelidoonin waana arrin iska cad. Ciddii kale ee laakiin ka baayac mushtaraynaysa arrinkaas ee Mucaaridad ka dayaysa ee dooneysa inuu hadalka Madaxweynaha saafo oo nooc kale ka dhigo, waxaanu leenahay waa wax cad oo Ummadda Reer Somaliland-na way wada fahansan tahay, labana iskuma heli karaan; inay kolna yidhaahdaan Shirka Soomaaliya yaan laga qayb-galin waxa uu u gaar yahay Soomaaliya, marka Madaxweynuhu uu go’aan ka kaadhay ay ka hor imanayaan.”

Wasiiru-dawlaha oo arrimahaas ka sii hadlayaana waxa uu sii raaciyey hadalkiisa, “Anigu garan maayo waxa looga jeedo talo qaran waayo talo qaran Madaxweynaha Somaliland ayaa ummaddu u dooratay inuu dalka Siyaasadeeda hago mid gude iyo debadeed-ba, in waraaqo Martiqaad Madaxweyne Axmed Siilaanyo Xafiiskiisa  soo gaadheen Inan yar oo Af-hayeena ma ogaan-karo. Waayo aniga laftaydan ayaan Warqadan ogayn, laakiin in Madaxweynahu Siyaasad cad arrintaasi ka cadeeyay in hadii labada dhinac aanay si is ku mid ah uga qayb-galayn oo aanay  labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya aanay Go,aano isle’eg ka wada qaadaneyn, waxa uu Madaxweynahu sheegay in aan Shirkaas Somaliland ka qayb-galidoonin.”

Somalilandpost.net/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories