HomeWasiir Cadami Oo Sheegay In Guddigii Madaxweynuhu U Saaray Baadhisita Dilalka Saraakiishu...

Wasiir Cadami Oo Sheegay In Guddigii Madaxweynuhu U Saaray Baadhisita Dilalka Saraakiishu Ay Warbixin Diyaariyeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa waxa uu ka waramay halka ay wax u marayaan Guddidii uu Madaxweynuhu u xilsaaray inay baadhitaan ku soo sameeyeen dilalka Saraakiisha, waxaanu sheegay in Guddidaasi hawshii loo xilsaaray iyo baadhitaankii ciidamada soo dhamaystireen, isla markaana warbixintii ay ka soo saareen ay isaga soo gaadhsiiyeen.

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Abaaraha dalka ka dhacay.

Isagoo ka hadlaya warbixinta ay guddigaasi soo diyaariyeen, wuxuu wasiir Cadami yidhi “Wax walba oo dhaca waxay ku dhacaan qadar ALLEH, waana wax uu ALLE qoray, Ciidamaduna iskumay dilin sida hawlo dhul iyo wax la mid ah, ee dilalkaas Saraakiisha ee dhacay waxay ahaayeen maqaadiir iyo wax qoran, Guddi khubaro ah ayaa loo xilsaaray, Guddidaasi baadhitaano badan ayey sameeyeen, oo ay Askarta ku sameeyeen, baadhitaanadaasna muddo ayey wadeen weyna soo dhamaystireen, anigana qoraalkii baadhitaanku wuu i soo gaadhay, Madaxweynahana waa loo gudbinayana, wixii isbedel ah ee lagu sameyn karana waa lagu sameyn doonaa, dhawaan waanu soo bandhigi doonaa natiijada iyo nuxurka qoraalkan oo rasmiya,si looga sii feejignaado, loogana hor tago xalna loogu helo waxyaabaha keenay dilka Saraakiisha, waxa aanu kula talinayaa Askarta iyo Saraakiisha in wixii khilaaf dhalin kara inay ka dheeraadaan”.

Wasiir Caddami ayaa mar uu ka hadlaayey dagaalkii dhex maray ciidamada badda Somaliland iyo Djibouti ayaa yidhi “Badda Somaliland iyo Badda Jabuuti xad ayey kala yihiin, Jabuutina waa dal aynu jaar nahay walaalana nahay, haddii hubsiimo la’aani dhacday,oo khilaaf ina soo kala dhexgalay waxaan rajaynayaa in khilaafkaasi dhammaado, imikana Wasiirkii Daakhiliga, Wasiirkii Kalluumaysiga iyo Taliyihii Badda ee Somaliland ayaa ku maqan Jabuutina; waxaana ku rajo weynahay in meel wanaagsan wax la isla dhigo, mana doonayo in aan ka sii hor dhaco, arimahaas”.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga ayaa waxa uu ka hadlay Abaaraha dalka ka dhacay, waxaanu sheegay inay dadku u baahan yihiin gurmad deg deg ah, waxaanu ku taliyey in dadka reer miyiga ah ee ay Abaaruhu hayaan loo gurmado, isaga oo ka mid ah weftigii Madaxweyne ku xigeenka ee tagay Gobolka Awdal ayaa waxa uu tilmaamay inuu ku soo arkay deegaano ka mid ah Gobolka Awdal dad ay Abaaruhu aad u sameeysay, waxaanu ugu baaqay Ganacstada iyo cid alaale cidii wax ku tari karta dadka ay Abaaruhu hayaan inay gurmad la gaadhaan, waxaanu ILLAAHAY ka baryey inuu abaaraha nimco iyo raxmad inoogu bedelo”

Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories