HomeWasiir Cadami iyo Masuuliyiin kale oo ka Qayb-galaya Shirka Xingalool oo saamayntiisa...

Wasiir Cadami iyo Masuuliyiin kale oo ka Qayb-galaya Shirka Xingalool oo saamayntiisa Walaac laga muujiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ceerigaabo (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in isaga iyo Xunbo weheliyaa ay ka qayb-geli doonaan gunaanadka Ducada Shirka Deegaanka Xiin-galool tan iyo Khamiistii hore uga socda Beelaha Warsangeli, inkasta oo ay Beelaha qaarkood qaaddaceen, waxaanu intaas ku daray inay ka soo barakaysanayaan Shirkaas maaddaama oo sida uu xusay ahaa mid dhaqan oo aan Siyaasad shaqo ku lahayn.

XINGALOOL, GUULEEDWasiirka Gaashaandhigga Somaliland Mr. Cadami oo uu Weheliyo Wasiiru-dawlaha Xannaanada Xoolaha Cabdiraxmaan Jaamac Cabdillaahi, ayaa maanta gaadhay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo ay si diirran ugus oo dhaweeyeen Maamulka gobolka Sanaag, Ceerigaabo iyo Masuuliyiinta Ciidammada Millateriga heer gobol iyo degmo iyo qaar ka tirsan Isu-duwayaasha Wasaaradaha dalka ee gobolkaas.

Soo-dhawayntaas ka dib, Masuuliyiintan ayaa ku degay Guriga Martida ee magaalada Ceerigaabo, waxaanu Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami Warbaahinta faahfaahin kooban ka siiyey ujeeddada socdaalkooda, oo uu sheegay inuu isugu jiro kormeer dhinaca mashaariicda horumarinta iyo xog-ogaal u noqoshada xaaladda nololeed ee Bariga Sanaag ama gobolka Badhan.

“Waxaannu kormeer hawleed u nimi magaalo-madaxda gobolka Sanaag, haddii ALLAAH kuu roon yahay waan gaadhaynaa wixii ka shisheeya ee dhulka Somaliland ah oo hawlo ka jiraan waa soo booqanaynaa, waana baarigaynaa. Shirweynaha lagu qabtay Xiin-galool wax wanaagsan baannu u rejaynaynaa, waxa suurtagal ah markaa inaannu Ducadana ka qayb-galno (Xiin-galool), annagu maaddaama oo aannu hawlihii kale Siyaasadi aanay ku jirin oo uu Shir Dhaqan ahaa sidaas Jaanis u siinnay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cadami.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Md. Cadami waxa uu sheegay inay Shirkaas Xiin-galool ka socda oo la filayo in Khamiista maanta ah la soo gebo-gabeeyo sida uu isagu hore ugu sheegay Himilo ay ka soo barakaysanayaan, waxaanu yidhi; “Laakiin, malaha Ducada ninna loo diidi maayo, waa laga soo barakaysanayaa oo waa la tegayaa. Meelo kale oo magaalo-madaxda Badhan iyo meelo kale waa tegaynaa oo Ceel baan ka soo furaynaa, hawlahaas aan u soconno oo horumarin iyo beelwayntaas (Warsangeli) daneheeda ka tashanaysay intaba.”

Shirka Deegaanka Xiin-galool oo 40-KM dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Badhan ee xarunta gobolka Badhan, ayaa furmay Khamiistii hore, waxaana qaaddacay Beelaha Deegaannada Dhahar iyo Badhan ee Warsangeli Madax-dhaqameedkooda, kuwaasoo sheegay in shirkaasi ujeeddadiisu ahayn mid danaha iyo midnimada Beesha ka turjumaysa, iyagoo ballan-qaaday inaanay xataa waxa ka soo baxa aqoonsan doonin shirkaas oo ay ku tilmaameen mid lagu dillaalayo Somaliland iyo Puntland oo Koox gaar ah oo Qurbo-joog u badani wadato.

Waxa sidoo kale, shirkaas walaac xooggan ka muujiyey Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo sheegay in shirkaasi natiijadiisu la mid noqon karto ta Shirkii Kooxda Khaatumo la baxday ku qabsatay Deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool ee ay Cali Khaliif Galaydh Madaxweynaha ugu doorteen. Hase-yeeshee, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa isagu taageeray Shirkaas oo uu sheegay inuu yahay mid beeleed oo dhaqan oo aan wax dhibaato ah laga filan karin, kana soo bixi doonin.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories