HomeWasiir Boobe oo maanta dhaggax dhiggay dhismayaal laga hirgalinayo Xarunta Wasaaradda Warfaafinta

Wasiir Boobe oo maanta dhaggax dhiggay dhismayaal laga hirgalinayo Xarunta Wasaaradda Warfaafinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa maanta dhagax dhiggay mashaariic door ah oo isugu jira dhismayaal iyo dib-u-dhis iyo qalabayn oo ay bixisay hay’adda US AID lagana hirgalinayo xarunta wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta.

blank

Wasiirka oo hadalay munaasibadda dhagax dhigga ee dhismayaasha ayaa waxa uu sheegay in mashaariic badan oo maalinta berri ah si rasmi ah u fulinteedu bilaabmayso ay ka koobnaan doonto hool ballaadhan oo ay waryayaashu wax ku diyaarsan doonaan laba xafiis oo ay masuuliyiintu isticmaali doonaan dib u habaynta Studia-ha gudoodo cawro oo ah studia-ha 1-aad ee radio Hargeysa qolka kayda cajaladdaha ee radio hargeysa oo la dhisay sannadkii 1941-kii oo ilaa hadda ama imika la doonayo in loo badalo qaabka dhijtalka iyo laba studio oo uu yeelan doono Tv-ga qaranku.

Wasiirku wuxuu caddeeyey inay ka mid yihiin qaybaha qalabaynta xafiisyo laga dhisi doono hool kale oo laga dhisi doono afaafka hore ee wasaaradda iyo weliba qaybo kale oo sugida amnigga oo albaabadda wasaarad ah iyo meelo gudahaba ah lagu rakibi doono qalab casri ah oo dhinaca Aamanka la xidhiidha.

Wasiir Boobe wuxuu mahadnaq u jeediyey hay’adda mashaariicda bixisay US AID qaybteed Day iyo hay’daha kale ee OAM.

Halka uu wasiirku si gaar ah ugu mahadnaqay Mukhtaar Axmed Sheekh Aadan oo ah agaasimaha qorsheynta ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ballanqaaday inay sii wadi doonaan horumarinta wasaaradda iyo guud ahaanba gudashadda masuuliyadda ay qaranka ugu xili-saaran yihiin, waxa uu hoos u dhiggay inuu wax ka soo qaado dad uu sheegay inay cadaysteen inay Wargeysyadda wax been abuur ah ku qoraan, kuwaas oo uu ku sheegay in aanu dan iyo muraad ka lahayn isaga oo wasiirku ku hal qabsaday tix suugaaneed uu lahaa abwaankii weyna ee Cabdi Iidaan Faarax rabi naxariistii janno ha ka waraabiyee oo ahayd “Adiguna dameeroow dawankaagii qaado hiigso faraska doolaal daba soco ma gaadhidee.”

Somaliland Post.Net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories