HomeWasaaradii Deegaanka oo isku Bedeshay NGO, Akhri Meelaha laga Fulinayo 14 Mashruuc...

Wasaaradii Deegaanka oo isku Bedeshay NGO, Akhri Meelaha laga Fulinayo 14 Mashruuc oo ku Dhisan DEEGAAN

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

maqaalIyadoo wasiirada xukuumadda Somaliland ilahay dartii ugu dhaarteen inay umadda u cadaalad saemynayaan,ayaa hada waxa muuqata in wasiir kasta sida uu doono iska yeelayo,oo uu ku takri falayo,awoodiisa wasiirnimo,hadaba waxaan jecelahay in aan umadda u soo bandhigo wasaaradaha isku bedelay NGO-yada iyo sida wasiirada wasaaradahaasi ugu takri faleen awoodii,oo weliba hanaan ku dhisan qabyaalad ay u maamulayaan,isla markaana hantida soo gashay ee uu qaranku leeyahay lu lunsadanaya qaab qabyaaladeed.

Hadaba wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa waxay ka mid tahay wasaaradaha qabyaaladdu la tegtay ee qarka u saran inay xidhanto qabyaalad daraadeed,akkhriste bal u fiirso mashaariicda ay sanadkan heshay wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga iyo meelaha qabyaaladaysan ee laga fulinayo,iyadoo wasaaradu sanadkan heshay 14 mashruuc ,kuwaasi oo 9 ka mid ah laga maal-gelinayo sanduuqa deeqda ah,ee la yidhaahdo Somaliland Developmnet Fund,5 mashrcuuc waxa laga fulinayaa deegaanada ay ka soo jeedo wasiirka wasaaradda deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare,waxayna kala yihiin.

1: Bookh

2: Banka Tuunyo

3: Banka Aroori

4: Dabis

5: Daallo

5 shantan mashruuc waxa ku baxaya oo la gelinayaa 9-kii mashruuc lacagtii loogu talo in ku dhaw 85%percent ,halka inta ka yar 20%percent loogu talo galay in lagu maalgelinyo libaaxley,lafa-ruug iyo horahaadley.waxana lagu sameynayaa banankaasi in dib loo seereeyo.

Guud ahaan barka la isku wada geeyo 9 kaasi mashruuc ,oo 5 ka mid ahi ka soo wada jeedaan deegaanka ay ka soo jeedo wasiirka wasaaradaasi deegaanku,iyadoo sida aynu soo sheegnay mashaariicdaasi laga maal-gelinayo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF-ta.

Dhinaca World bank-ka marka aynu eegno waxa uu maal gelinaya sadex mashruuc oo kala ah

1: Dabis

2: Oodweyne

3: Horahaadley

Mashaariicdaasina qiimaheedu waxa weeyi lacag dhan halmalyan oo doolar (1000, 000),iyadoo weliba Dabis iyo Oodweyne oo ku yaala deegaanada ay ka soo jeedo wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland marwo Shukri Xaaji Ismaaciil,waxa ku baxayain ka badan 80%percent ,halka cadaalad darada meesha ka jirta ay muujinayso in Horahaadley loogu talo galay in lagu maal-geliyo in ka yar 20%percent.

Sidoo kale hayada horumarinta ee UNDP,waxay fulinaysa laba mashruuc oo lacagtoodu tahay Sadex boqol iyo lixdan kun oo Doolar,labadaasi mashruuc waxay kala yihiin.

1:Banka weyn ee Qoryaale.

2: Banka Dulcad.

Weliba ku darso labadaasi ban waxay ka mid yihiin deegaanka wasiirka wasaaradda deegaanku ka soo jeedo.

Isku soo wada duuboo lacagta ku baxaysa mashaariicdaasi waxay ku dhaw dahay 4000,000 oo doolar ,lacagtaasi oo lagu fulinayo 14 mashaariicda ah,ee 9 ka mid ahi ka soo jeedaan deegaanka wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga shukri xaaji ismaaciil baandare.

9 mashruuc waxa geli doona in ku dhaw sadex malyan iyo sadex boqol oo kun oo doolar(3300,000) kun oo doolar.

Fiiro gaar ah.

Waxa soo hadhay in ka yar 200,000 kun oo doolar,oo loo qaybiyey dalka intisii kale,oo dhan,waxa si cad u muuqda heerka cadaaladda ee halkaasi ka jirta.

Ku darso akhriste dhamaan qandaraasyadaasi waxa la siiyey labo hayadood oo ay isku jifo yihiin wasiirka wasaaradda deegaanka shukri xaaji ismaaciil baandare oo kala ah.

1:Candlelight

2:Aado

Akhriste waa heerka maanta ay marayso qabyaaladii oo gaadhay heer laga xishoodo,sababta aan qalinka ugu qaatay mawduucani waxa weeyi in aan umadda tuso,halka qaybyaaladu marayso iyo sida xitaa khayraadkii iyo mashaariicdii dalka soo gashay loo qabyaaladaynayo,iyadoo weliba mushkiladu tahay sida madaxtooyada Somaliland iskaga daawanayso wax ka qabashada mushkilada qaran ee maanta dalka ragaadisay.

By: Axmed Maxamed Cali

Email:axmed-1994@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories