HomeWasaaradda Xannaanadda Xoolaha oo Gurmad Caafimaad u Samaynaysa Xoolaha ay Saamaynta ku...

Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha oo Gurmad Caafimaad u Samaynaysa Xoolaha ay Saamaynta ku Yeelatay Xaalada Abaareed ee Dalka Ka Taagan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa ()- Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ayaa Kooxo Caafimaad Waxay u Kala dirtay Qaar ka mid ah Goboladda Iyo Degmooyinka dalka Iyagoo soo Fulin doona daawayn dhinaca xoolaha ah maadaama xaalad abaareed ay ka jirto badiba Gobolada dalka.

Kooxahan ayaa Waxay ka hawl galeen Goboladda Awdal,Selel,Saaxil iyo Saraar Iyadoo lagu qalabeeyay Gaadiid iyo agabka lagu daaweeyo Xoolaha.

Ugu horayn Isuduwaha Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ee Gobolka Saraar Dr Ibraahin Axmed Saleebaan ayaa sheegay inay Hawlgalkan caafimaadinta xoolaha ay si wada jir ah uga bilaabeen Ceelka Caynabo iyo deegaanka Wadaamo-go’o Waxaanu yidhi “ Waxaanu maalmahan  Hawlgalkan Caafimaadka iyo daawaynta xoolaha ka wadnay deegaankan iminka waxaanu ku suganahay ceelka Wadaamo-go’o oo ay ka cabaan xoolo tiro badan,Waxaanu ka daawaynaynaa Xoolaha xannuuno tiro badan oo ay ka mid yihiin Caalka,Dulinka,iyo wixii la hal maala waanan sii wadaynaa hawshan ilaa si rasmi ah Xoolaha badqabkooda aanu u Sugno”.

Qaar ka mid ah Xoolo dhaqatada Gobolkaas ayaa uga Mahadceliyey Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha hawlgalkan ay ku daawaynayso xoolaha waxaanay sheegeen inay arrinani tahay Waxqabad fiican oo la gelinayo Xoolaha oo ah Isha dhaqaale ee Somaliland ku tiirsan tahay.

xoolaha1

Dhanka kale Kooxo ka Socda Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ayaa ka ambo baxay Magaaladda Boorama iyagoo hawlgal daawayn ah u fidin doona Xoolaha ka badbaaday Xaalada abaareed ee Ka taagan Gobolada Awdal iyo Salal.

Isuduwaha Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ee Gobolka Awdal Dr Daahir Muuse Xuseen ayaa Sharaxaad ka bixiyey Sababta keentay inay Xiligan Kooxo Caafimaadka Xoolaha ka shaqaynayaa inay u Kicitimaan Jiido badan oo hoos taga labadaas gobol Waxaanu Yidhi “ Sida laga warqabo Gobolada Awdal iyo Salal Waxaa ka jirta oo ka taagan abaar baahsan oo soo jiitamaysay isla markaana dad iyo duunyaba saamayn ku yeelatay,Maanta (Shalay) Waxaa Boorama ka ambo baxaya laba baabuur oo ay la socdaan Kooxo ka tirsan Wasaaradda Xoolaha Waxay si gaar ah u tegayaan meelaha xooluhu ku liitaan Waa aqoon yahano da’a yar ah oo Shaqadan si hufan uga soo bixi kara,Markaa Waxaa loo baahan yahay Gurmad qaran oo dad iyo duunyaba isugu jira”.

Isuduwaha oo la dardaarmaya Hawl wadeenada hawlgalkan fulinaya ayaa waxa uu yidhi “Xaaladu sidii hore way ka duwan tahay,Marar badan xili barwaaqo ah ayaynu bixi jirnay laakiin doorkan waxaynu ku soo beeganay Xili abaar adagi ka jirto Gobolka taas oo dad iyo xoolaba ay ku lee’deen Waxaa la idiinka baahan yahay inaad u dhabar adaygataan fulinta Waajibaadka qaran ee Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha kaga beegan Marxaladan”.

Sidoo kale Isu duwaha Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ee Gobolka Saaxil Dr Cali Maxamud Guuleed ayaa dhankiisa sheegay inay Laba Kooxood oo Wasaaradda Xoolaha ka socda u kala direen Deegaamada kala duwan ee Gobolka Saaxil.

Isu duwuhu wuxuu sheegay in Kooxahani ay beegsan doonaan goobaha ay ku sugan yihiin Xoolaha ay abaartu saamaysay ee Xannuunada u nugul si ay daawayn ugu soo sameeyaan isagoo arrintaas ka hadlayaana waxa uu Yidhi “Waxaan idinla socodsiinayaa inaan u kala dirnay laba kooxood oo Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ka Tirsan oo noqonaya Kooxihii Gurmadka Xoolaha ee Wakhtigan abaartu taagan tahay,Waxay labadan Kooxood u kala baxayaan Koox u baxaysa waddada laamiga ah wixii ka xiga galbeed,Berbera,Hargaysa Xagaana ka soo xiga Bula-xaar ilaa Dawga Cad ayay ka shaqayn doonaan iyo Kooxda kale oo ka shaqayn doona Gobolka Saaxil iyo degmada Sheekh oo ay abaartu ugu daran tahay”

Isuduwaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay Shaqada ay qabanayaan Kooxahani iyo qalabka ay ku hawl galayaan “Kooxdiiba waxay ka kooban tahay afar dhakhtar waxay mari doonaan tuulooyinka oo dhan Waxay la socon doonaan Xaalada abaaruhu halkay ka marayso Gobolka oo dhan, iyagoo warbixin joogto ah ka soo bixin doona xaaladaha dad iyo duunyo Waxay wataan Gaadiidkoodii iyo dhamaanba qalabkii adeega caafimaadka xoolaha ay ku fulin lahaayeen,Wixii Safarkoodaas ka soo baxa ayay Wasaaradu ku Camal fali doontaa”.

Si kastaba ha ahaatee Kooxahan ay Wasaaraddu kala dirtay ayaa ku soo Beegmay Xili loo baahnaa maadaama Xaalad abaareed ay ka jirto Jiido badan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories