HomeWasaaradda Xannaanada Xoolaha oo Gobollada dalka u Kala Diray kooxo talaalaya 4...

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo Gobollada dalka u Kala Diray kooxo talaalaya 4 Milyan oo Neef

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaarada Xanaanada Xoolaha ayaa maanta hawl-wadeeno gaadhaya 100 u kala dirtay dhamaan gobolada Somaliland oo muddo laba bilood ah ka soo fulin doonaan talaalka iyo daaweynta xoolo gaadhaya 4 milayn oo neef  cudurka sambabka ee ku dhaca riyaha.

XANNAANADAMunaasibada ambabaxa hawl-wadeenadaa oo  lagu qabtay xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha , kana qeybgaleen Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw-Daahir iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada Dr. Maxamed Maxamuud (Caga-weyne), iyo hawlwadeenada u baxayey hawlaha talaalka ayuu ugu horeyn  Agaasime Cagaweyne oo ka hadlaya sheegay inay maanta u dirayaan hawlwadeeno ka kooban boqol xubnood dhamaan gobolada Somaliland oo hawlo talaalka cudurka furuqa ka soo talaali doonaan riyaha, waxaanu yidhi, “Waxaan maanta  u diraynaa dhamaan gobolada Somaliland hawlwadeeno ka soo fuliya hawsha talaalka cudurka sambabka ee riyaha, waxaanay maqnaan doonaan muddo laba bilood ah.”

Agaasimaha Xanaanada Xoolaha ayaa sheegay maadama wasaaradu u xilsaaran tahay daryeelka caafimaadka xoolaha dalka, tegitaanka hawlwadeenadu la xidhiidho gudashada waajibkeeda, isla markaana sidii sannadihii hore dhowr wareeg samayn doonaan talaalada iyo daaweynta xoolaha dalka, talaalkanina yahay kii ugu horeeyey sannadkan 2014, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa, “Wasaaradan oo u xilsaaran daryeelka xoolaha, diritaanka hawlawadeenadu waxay la xidhiidha gudashada waajibkeeda, sidii sannadihii horena waxaanu samayn doonaa dhowr xilli daaweynta iyo talaalka xoolaha, wakhtigana waa markii koowaad sannadkan 2014.”

XANNAANADA XOOLAHAWasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw-Daahir oo ambabixintii hawlwadeenada ka hadlay ayaa u soo jeediyey madaxda gobolada, degmooyinka dalka iyo guud ahaan shacabka inay soo dhoweeyaan hawlwadeenadan u socda daryeelka caafimaadka xoolaheena oo ah lafdhabarka dhaqaalaha dalkeena, waxaana hadalkiisi ka mid ahaa, “Maadama xoolahu yihiin lafdhabarka dhaqaalaha dalkeena, waxaan u soo jeedinayaa madaxda gobolada, degmooyinka iyo guud ahaan shacabka Somaliland inay soo dhoweeyaan hawlwadeenadan u socda daryeelka xoolaheena,”

Dr. Cabdi Aw-daahir ayaa raaciyey, isagoo la hadlaya bulshada xoolo-dhaqatada, inkastoo hawlwadeenadanu sitaan sahaydoodii, oon badnayn, haddana, waxba xoolo haw qalinee, ku dedaala inaad xoolahiina u keentaan, si aynu u helo xoolo caafimaad qaba.

Ugu dambayn, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw-daahir ayaa gudoonsiiyey shahaado sharaf loogu talo-galay saddexdii kooxood ee kaalimaha wanagsan ka galay talaalkii ugu dambeeyey ee wasaaradu qabato, iyo gobolkii kaalinta koowaad galay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories