HomeWasaaradda Xanaanada Xoolaha Oo Gurmad Caafimaad U Fidisay Fardo Ku Dayacan Degmada...

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Oo Gurmad Caafimaad U Fidisay Fardo Ku Dayacan Degmada Dacarta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland, ayaa gurmad Caafimaad u fidisay Fardo Abaar iyo Xanuuno ku waxyeeleeyeen Degaanka Dacarta ee Gobolka Maroodi-jeex.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland, ayaa markii ay soo gaadhay Qaylo-dhaanta Fardahan Xanuunnada la ildaran isla-markaana abaarta iyo gaajadu ugu biirtay, waxay u dirtay dhakhaatiir ka mid ah xanaanada xoolaha Somaliland.

Dhakhaatiirta Xanaanada Xoolaha, ayaa Fardahan oo gaadhaya 30 waxay u sameeyeen baadhitaano Caafimaad, markaasi ka dibna waxay ku mudeen daawooyin Caafimaadkooda wax ka Tara, sidoo kalena waxay siiyeen Dawooyin Fiiramiin ah oo loogu Talo-galay inay dib u soo celiyaan awoodda jidheed ee Xoolaha guud ahaan iyo gaar ahaan Fardahaasi.

Dhakhaatiirta oo markii ay ka soo laabteen socdaalka gurmadka ah ee ay ku tageen Degmada Dacarta, waxay faahfaahin ka bixiyeen adeegyadii ay u qabteen Fardaha Xanuunsaday isla-markaana Abaarta awgeed Gaajadu waxyeelaysay.

“Markii aanu degmada Dacarta, Waxaanu baadhitaan ku samaynay Fardaha, waxaanu ogaanay inay qabaan xanuunka Xoolaha ku dhaca ee loo yaqaano “Caalka” iyo nafaqo-darro, markaas daaweyn ayaanu u samaynay..” ayuu yidhi Dr. Cabdirisaaq Cumar Cabdi, waxaanu intaa ku daray In Fardaha oo tiradoodu tahay illaa 30 ay hadda Xaaladdoodu wanaagsan tahay, inkasta oo dhibaatada ugu weyn ee haysaa tahay Calaf la’aan, maaddaama oo degaankaasi ka mid ah degaannada Abaartu ka jirto, dadkii daryeeli lahaana ay kaga mashquuleen bedbaadinta Xoolahooda kale.

blankDr. Cabdikhaaliq Faarax oo isaguna ka mid ah dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Somaliland ee gurmadkan ka qayb-qaatay, ayaa sheegay In loo baahan yahay in Cid kastaa ka qayb-qaadato sidii Fardahaa oo Qaranku wada leeyahay loogu heli lahaa Calaf ay ku noolaadaan, maaddaama oo ay xilliganba ku nool yihiin Raashin la siiyo, maaddaama oo aanu jirin calaf kale oo ay u hayaan dadka ka masuulka ahi.

blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories