HomeWasaaradda Waxbarashada Somaliland oo War ka soo saartay Qorshaha Midaynta Dirayska Dugsiyada...

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo War ka soo saartay Qorshaha Midaynta Dirayska Dugsiyada Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa sheegtay in sannad-dugsiyeedka soo socda ee 2021/2022 lagu fulin doono go’aan ay wasaaraddu hore uga soo saartay Midaynta Dirayska Dugsiyada Waxbarashada ee dalka.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ayaa go’aan badhtamihii bishan ay soo saartay waxa ay Dirays u gaar ah oo ardaydu xidhanayso u jaan-goysay Dugsiyada Barbaarinta (KG), Dugsiyada Hoose, Dugsiyada Dhexe iyo kuwa Sare, iyadoo markii hore ay isku mid ahaan jireen diraysyada Dugsiyada Hoose iyo Dhexe.

blank
midaynta Dirayska dugsiyada somaliland

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland maanta, waxa lagu sheegay inay tahay waajib qaran oo lagu fulinayo Midaynta Dirayska Dugsiyada Waxbarashada Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay, haseyeeshee waxa ay wasaaraddu sheegtay inay tixgelin gaar ah siinayso waalidiinta aan awood-dhaqaale u lahayn inay dirayska ka beddelaan ubadkooda iyo ganacsatada iibisa maryaha laga farsameeyo diraysyadii hore.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Waxbarashada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Somalilandpost, ayaa u qornaa sidan:- “Ujeeddo: Midaynta Dirayska dugsiyada Waxbarashadu waa waajib qaran oo la fulinayo.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku iyadoo fulinaysa siyaasada iyo qorshayaasha horumarinta waxbarashada waxa aad ka warqabataan inay ku hawlanayd siddii loo fulinlahaa midaynta dirayska.

Hadaba waxaa mar labaad la xasuusinayaa ardeyda, waalidiinta iyo hawl wadeenada Waxbarashada in sanad dugsiyeedka 2021/2022 ardeydu soo xidhan doonaan dirayska cusub waxaa kale oo la tix galin doona ardayda xidhan dirayskoodii hore iyadoo loo eegayo duruufaha kala duwan ee soo socda.

KOW: Waalidiinta duruuf awgeed aan ardeyda sanadkasta u iibin Karin dirays cusub si ay ugu sii diyaariyaan dirayska cusub wakhtiga ugu horeeya ee ay awoodaan.

LABA: Ganacsatada haya midabada dirayskii hore si aan khasaare uga soo gaadhin.

SADDEX: tolmaha oo dib uga dhaca wakhtiga furitaanka dugsiyada, maryaha midabada qaarkood oo kala go’a.

Waxaa ardeyda iyo waalidiintaba lagu wargalinayaa in dirayska cusubi yahay ka rasmiga ee wax lagu dhigan doono qofka ay la kulanto duruufahaa aynu sarre ku xusnay waa inuu sida ugu dhakhsaha badan uga diyaar garoobaa.

Waxaa maamulayaasha goobaha waxbarasahada la farayaa in talaabo ku haboon laga qaadi doono dugsigii ay ku cadaato isagoo ardeyda ku qasbaya dirayskii hore ee laga guuray si togan iyo si tabanba.

Waxaa ardeyda, waalidiinta iyo masuuliyiinta goobaha waxbarashada lagu war-galinayaa in dharka ay ardeydu xidhanayaan yahay mid waafaqsan shareecada islaamka iyo dhaqankeena wanaagsan isla markaana yahay mid guud ahaan asturaya hablaha midabaduna waafaqsanyihiin kuwa dirayska, sidoo kale waxaa lagu wargalinayaa in aaney jirin meel lagu bedelay dirayskii iyo midabkii hablaha dugsiyada sarre ee ka rasmigii yahay kay wasaaraddu hore usoo saartey.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories