HomeWasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Mar Kale Amar Ka Soo Saartay Midaynta Direyska...

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Mar Kale Amar Ka Soo Saartay Midaynta Direyska Ardayda Dugsiyada Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa ka digtay kala duwanaanta diraysyada ardayda isku fasalka ah ee dalka, waxaanay caddaysay in dhammaan ardayda dalka dugsiyada isku heerka ahiba in ay ku dhaqmaan wareegtada sannadkii hore soo baxday ee lagu meel mariyay dirayska waxbarasho ee dalka.

Waxa kale oo wasaaraddu ay ka hadashay ardayda fasalka fadhiisanaysa tirada looga baahan yahay iyo in aan laga badin karin tirada fasalka loo qorsheeyay oo ay dambi tahay haddii lagu arko tiro ka badan oo fasal wada fadhida.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhuude) oo ka hadlayay sida aan loo aqbalayn inay fuli waydo wareegtadii amarka wasiirka ee midaynta dirayska ardayda dalka, ayaa yidhi “Sannad ka hor waxa soo baxday Wareegto Wasiir oo ka hadlaysay Ardayda dhigta Dugsiyada dalka ee Dugsiga Hoose dhexe iyo Sare in ay yeeshaan diraysyo kala duwan, waxaana aynu joognaa xiligii Ardayda Somaliland ka sinnaan lahaayeen Dirayskaa. Sidaa darteed waxaan farayaa.”

“Guddoomiyeyaasha Wasaaradda Waxbarashada ee heer Gobal iyo Degmo iyo heer Dugsi  in wareegtadaasi sideeda u dhaqangasho oo aan la arag Arday ku fadhiya fasalka  diraysyo oo kala kaan kaan ah ama kala duwan, waa in dugsiyada hoose laga wada helo dirayskooda, dugsiyada dhexena dirayskoda, dugsiyada  sarena dirayskooda sharciga ah ee la ogol yahay,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Agaasimaha guud oo ka hadlayay sida loo illaalin doono tirada ardayda fasal wada fadhiisanaysa waxaa uu yidhi, “Waxa aynu aragnay Fasal aad u yar oo arday ka tiro badani ay  fadhiyaan, haddii la isla garto in  ay fadhiistaan fasalka  20 Arday, sharci darro ayay noqonaysaa in 21 arday ay fadhiistaan fasalka, waayo? waa in nidaamku shaqeeyo”.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories