HomeWasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Hirgelinaysa 31 Dugsi oo laga Maalgelinayo Miisaaniyadda Dowladda

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Hirgelinaysa 31 Dugsi oo laga Maalgelinayo Miisaaniyadda Dowladda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa maanta daahfuray mashruuc dugsiyo hor leh lagaga dhisayo gobollada dalkas, kuwaas oo lacagta ku baxaysa laga maalgelinayo Miisaayadda dowladda.

Mashruuca Wasiirku daah-furay maanta, ayaa ka kooban dhismaha 31 dugsi oo laga hirgelin doono guud ahaan gobollada dalka, gaar ahaan deegaamada ay ku yar yihiin goobaha waxbarashada dowliga ah ee dalka.

blankMunaasibad loo qabtay daah-furka dhismeyaasha dugsiyada oo ay goob-joog ka ahaayeen agaasimaha Guud, agaasimaha waaxda maamulka iyo agaasimaha waaxda hantida ee wasaaraddaasi, waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee Somaliland oo sheegay in kow iyo sodonkaas dugsi laga hirgelin doono guud ahaan gobollada dalka, isla markaana ay qayb ka yihiin fidinta iyo ballaadhinta waxbarashada si loo daboolo baahiyaha dhanka waxbarashada ee dalka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa sheegay in ilaa todoba boqol oo deegaan oo dalka ahi ayna lahayn dugsiyadii waxbarashada, wuxuuna daboolka ka qaaday in ay u qorsheysan tahay wasaaradda waxbarashada in sannadka dambe ay hiergeliso laba boqol oo dusi waxbarasho, si kor loogu qaado waxbarashada, isaga oo u mahadnaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda, xisaabaadka qaranka, baanka dhexe iyo cidkasta oo gacan ka geysatay hirgelinta dugsiyadaas.

Geesta kale, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Axmed Abokor Maxamed, agaasimaha waaxda maamulka Maxamed Saleebaan iyo agaasimaha waaxda hantida Yuusuf Xuseen, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxaya dugsiyadaas laga maalgelin doono miisaaniyada wasaaradda, taas oo ah cashuurtii muwaadiniyiintu bixiyeen dibna loogu celinayo si ay u helaan adeegyada ay uga baahn yihiin dawladda ee ay waxbarashadu ka mid tahay, waxayna u soo jeediyeen bulshada ku dhaqan deegaanada laga hirgelinayo dugsiyadaasi in ay ka faa’iideystaan oo ay keenaan ubadka u baahan waxbarashada.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalladii ay masuuliyiintu ka jeediyeen madashii lagu daah-furay 31-ka dugsi ee wasaaraddu ka hirgelinayso dalka

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories