HomeWasaaradda Waxbarashada oo Sanduuq Gaar ah u Samaysay Taageero Bahda Tacliintu kaga...

Wasaaradda Waxbarashada oo Sanduuq Gaar ah u Samaysay Taageero Bahda Tacliintu kaga Qayb-qaadanayaan Dhismaha Waddada Ceerigaabo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa kaga dhawaajisay Qorshe Bahda Tacliinta dalka ee hormoodka ka tahay kaga qayb-galayaan dhismaha Waddada isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo madaxweyne Siilaanyo maanta Dhagax-dhigay.

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay hirgelinta iyo dhammaystirka Jidkaas oo lagu guulaysto ku tilmaantay mid ka hor tagi karta isla markaana wax ka tari karta Tahriibta Dhalinyaradu ugu baqoolaan waddamada Yurub, iyada oo taas ku sababaysay Quruxda iyo bilicda ay leedahay Buurta Daallo ee duleedka magaalada Ceerigaabo, ardayda dugsiyada dalka booqasho loo geyn doono.

Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka hadlaysay munaasibad madaxweynaha Somaliland maanta ku dhagax-dhigay dhismaha waddadaas, ayaa sheegtay inay wasaarad ahaan Xisaab Gaar ah (Account) u fureen ka qayb-qaadashada dhismaha waddada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, kaas oo dhammaan Bahda Waxbarashada kaga qayb-qaadanayso taakulo ay ka geystaan dhismaha Jidkaas.

Samsam Cabdi Aadan “Illaahaybaa inagu simay inaynu u joogno waddadii Ceerigaabo dhagax-dhiggeedii oo Illaahay Inala Gacan-qaban doono inaynu dhammaystirno. Anigu waxaan ku balla-qaadayaa, horena waan u ballanqaaday, bahda waxbarashada; arday iyo macalin meel ay joogaanba Akoon baanu u furnay, hal Dollar iyo Nus-dollar kii ku ridaaba, waa boqolaal kun oo Arday, Shan boqol oo Kun (500,000) kama yara ardayda Somaliland, Maclimiintuna 7,000 kama yara. Dadka kale ee waxbarashaduna waa badan yihiin, intaas oo dhami markay ku shubaan,” ayey tidhi marwo Samsam Cabdi Aadan.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxa ay intaas ku dartay, “Waa dariiqii waxbarashada, dabadeedna ardaydeenna u dalxiis-geyn karro oo ay arki karaan Ceerigaabo Dhulka ku yaala ee ay ku jirto Buurta Daallo quruxdeeda umaba baahna inay Yurub Qabtaan, carruurta Tahriibtu way ka yaraan doontaa, Ilaahayna ha inagu guuleeyo dhismaha waddadaas, madaxweynahana aad baan u mahad-naqaynaa,” ayey tidhi Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories