HomeWasaaradda Waxbarashada oo kafaalo-qaadday Waxbarashada Gabadh da'da yar ah oo Tacaddi lagula...

Wasaaradda Waxbarashada oo kafaalo-qaadday Waxbarashada Gabadh da’da yar ah oo Tacaddi lagula kacay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashadda ee Somaliland ayaa maanta shaacisay inay kafaalo-qaadday Waxbarashada Ayaan Yuusuf Maxamed oo ah gabadh da’a yar oo haweenay ay qaraabo ahaayeen oo ay ushaqaynaysay ka duubtay muuqaal ay ugu hanjabayso oo baraha bulshada lagu baahiyey, taas oo sababtay in bulshadu si dareen leh uga fal-celiyaan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Maxamuud Diiriye Toorno oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda, ayaa qaabbilay Ayaan Yusuf Maxamed, waxaanay u ballan-qaadeen in dowladdu bixinayso dhammaan qarashaadka Waxbarasho ee Ayaan Yuusuf oo xilligan ka halw-gasha Baanka Dhexe ee Somaliland oo shaqalaysiiyey.

blank“Ayaan sababta aynu u qaabilay waxa weeyi, in waxbarshadeeda ay wasaaraddu dammaanad qaaddo, ilaa markay bilawdo ilaa markay dhamayso, Meesha ay iyadu ka gaadho, barigii dhawayto ee aynu warbaahinta ka daawanay, waxyaabihi ay la kulantay oo laga yaabo in ay cidkalena ku dhacaan, inagoo carruurta Somaliland oo dhan masuul ka ah, haddana kuwa uu dhib lasoo darso damqashadeeda ayaynu leenahay,” Sidaa waxa yidhi wasiirka waxbarashada Somaliland.

Wasiir Toorno waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay in meel looga soo wada-jeesto oo lala dagaalamo tacaddiyada ka dhanka ah carruurta, waxaanu yidhi, “Dhammaan reer Somaliland waxaanu ka rejaynaynaa in aynu la dagaalano oo aynu joojino cidkasta oo tacaddi ku samaynaysa carruurta iyo qofkasta oo jilicsan. Ayaan, waxa aynu ka rejaynayaa in marka ay waynaato ee ay waxbarashada dhammayso ay ka shaqayso sidii ay ugu gargaari lahayd carruurta aan fursad u helin waxbarashada”.

Qoyska gabadha da’da yar ayaa dowladda uga mahad-celiyay deeqda waxbarasho ee ay u fidisay gabadhooda Ayaan. “Sidaad wada aragteen, Ayaan, gabadh qoyskeeda ah ayay dhibaato kasoo gaadhay, maanta waxaanu joognaa wasaaradda waxbarashada, wasiirku wuxuu balkan-qaaday in waxbarasho bilaasha uusiin doono, is garabtaaga ay wasaaraddu is garabtaagtay, iyadoo markii horena ay dawladu is garabtaagtay oo baanka shaqo laga siiyay, aad iyo aad baanu ugu mahadnaqaynaa wasiirka waxbarshada,” Sidaa waxa yidhi Shaafici Ciise oo ah Ayaan abtigeed.

Xukuumadda Somaliland ayaa Baanka Dhexe ka shaqaalaysiisay Ayaan Yuusuf maalmo kadib markii ay tacadiga la kulantay, iyadoo gabadhii tacadiga kula kacday oo lagu magacaabo Samsam Kaahin na xabsiga loo taxaabay iyadoo waajahaysa eedaymo la xidhiidha ku tacaddi xuquuq carruurta.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories