HomeWasaaradda Waxbarashada oo go'aamo ka soo saartay Dhacdadii Khasaaraha loogu geystay Dugsiga...

Wasaaradda Waxbarashada oo go’aamo ka soo saartay Dhacdadii Khasaaraha loogu geystay Dugsiga Sare ee Nuuraadiin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska ee Somaliland ayaa go’aamo hor dhac ah ka soo saartay dhacdadii arbacadii toddobaadkii hore khasaaraha loogu geystay Dugsiga Wiilasha ee Nuuradiin ee Magaaladda Hargaysa.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland waxa uu magacaabay Guddi ka kooban lix xubnood kuwaas oo loo xil-saaray inay qiimeeyaan khasaaraha soo gaadhay dugsiga iyo sababaha farsamo ee keenay gadoodka ardayda dugsiyada Nuuradiin.

blankWar-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada ayaa u qornaa sidan:- “Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska markii ay ka war-heshay dhacda ka dhacday dugsiga sare Nuuradiin (Nuuradiin Boys), waxa isla markiiba goobta tagay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Guddoonka Waxbarashada Gobolka Maroodi Jeex.

Markii ay goobta tageen waxa ay dejiyeen xaalada si maamulka iyo kala dembaynta u soo celiyaan. Iyaga oo ay kala qaybqaateen ciidanka bilaysku.

Sidoo kale waxa ay la kulmeen Maamulka Dugsiga si ay uga waraystaan dhacdadan iyo waxa sababay. Waxa ay u kuurgaleen baaxadda uu leeyahay khasaaraha ay geysteen arday gadooday, iyaga oo fasal fasal u galay una qiimeeyey.

Markii kormeerku dhammaaday, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa uu magacaabay Guddi farsamo oo loo xilsaaray dhacdada Dugsiga Sare ee Nuuradii Boys ka dhacday.

Guddidaas oo kala ahayd:-

1. Xuseen Cabdi Cawil Ag. Waxbarashada Tooska. ( Gudoomiye)

2. Yuusuf Xuseen Maxamed. Ag. Waaxda Hantida Waxbarashada.

3. Cabdiqaadi Cabdilaahi Jaamac. Ag. Waaxda Daryeelka.

4. Su’aad Maxamed Cabdi Ag. Waaxda Waxbarashada Dadban.

5. Cabdikariim Cali Caaruf Guddoomiyaha Waxbarashada Ee Gobolka Maroodi Jeex

6. Aamina Casayr Magan Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada

Guddidu waxa ay kulan isugu yimaadeen shalay oo ay bishu ahayd 04,03,2021. Waxayna soo saareen go’aamo hor dhac ah oo ku saabsan dhacdadan, kuwaas oo ah:-

1. In guddidu baadhis ku samayso arrimaha maamul ee sababay gadoodka ardayda, muddo lix cisho gudahood ahna go’aan kaga soo saarto dhacdada dugsiga.

2. In baadhis lagu sameeyo khasaaraha ka dhashay dhacdadan iyo cida masuuliyada leh, iyaddoo Wasaaraddu kaashanaysa maamulka Gobolka iyo ciidamada kala duwan ee nabadgalyada iyo dambi baadhista

3. In ardayda dugsiga lafasaxo muddo lix maalmood ah inta dayactirka dugsigu dhammaanayo isla maarkaana la dhamaystirayo baadhista, dugsigana aan la furi karin illaa wasaaraddu qaraar rasmi ah kasoo saarto.

Wasaaraddu waxay u mahadnaqaysaa Ciidanka Booliiska oo dhacdadaa si degdega oo lexjeclo leh uga hawlgalay, xirfad sare oo masuuliyad booliis ku dheehan tahayna kula tacaaley xaladii ardeydii gadoodsanayd.

Sidoo kale waxa ay u mahadcelinaysaa Maamulka Gobolka Maroodijeex oo si xilkasnimo leh uga qaybqaatay dejinta gadoodka ardayda.

Wasaaradda Waxbarashada waxa ay bulshada ku wargalinaysa inaan laga hor dhicin baadhista gacanta lagu hayo ee ay iska kaashanayaan laamaha amniga iyo Wasaaradda waxbarashadu, sidoo kale waxaan bulshada xasuusinaynaa inaan arimaha la xidhiidha Waxbarashada aan la siyaasadayn ujeedooyin kala duwana aan looga faa’idaysan dhacdadan oo la sameeyo tudhaale maadaama ay tahay masayrka ubaxa wadanka usoo kacaya.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay wasiiradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories